عن أبي موسى الأشعري رضي الله عنه عن النبي صلى الله عليه وسلم قال:
«تَعَاهَدُوا هَذَا الْقُرْآنَ، فَوَالَّذِي نَفْسُ مُحَمَّدٍ بِيَدِهِ لَهُوَ أَشَدُّ تَفَلُّتًا مِنَ الْإِبِلِ فِي عُقُلِهَا».

[صحيح] - [متفق عليه] - [صحيح مسلم: 791]
المزيــد ...

Abii Muusa Alashcari Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey, in Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri:
"Joogteeya akhrinta Qur'aanka, Allaha nafta Maxamed Gacantiisa ku jirtaan ku dhaartaye wuxuu ka siibasho badan yahay Qur'aanku Geel dabaran".

[Xadiis Saxiix ah] - [Xadiis la isku waafaqay] - [Saxiix Muslim - 791]

Sharraxaad

Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu amray in la joogteeyo akhrinta Qur'aanka iyo in si xiriira loo akhriyo, si aan Qofka laabta ku xifdisani u ilaawin, wuxuuna Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ku adkeeyey inuu ku dhaartay in Qur'aanku laabta kaga baxsan og yahay si ka daran geel la dabray oo xarig dhudhunka looga xiray, hadii Qofku ilaaliyo wuu soo qaban hadiise uu iska daayo wuu tagin oo lumin.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Haduu Qofka Qur'aanka xifdisani uu joogteeyo akhrintiisa marba marka ka danbeeya qalbiga ayuu ku xafidisanaan, hadii kale wuu illaawin.
  2. Faa'iidooyinka joogtaynta akhrinta Qur'aanka waxaa ka mida: Ajar, xasanaat, iyo darajada oo kor loo qaado Maalinta Qiyaame.
Bandhigga tarjumada.
Tarjumada: Engriisi Urduu Isbaanish dheeraad/kordhin (63)