عن أنس بن مالك رضي الله عنه عن النبي صلى الله عليه وسلم قال:
«يَسِّرُوا وَلَا تُعَسِّرُوا، وَبَشِّرُوا وَلَا تُنَفِّرُوا».
[صحيح] - [متفق عليه] - [صحيح البخاري: 69]
المزيــد ...
Anas Binu Maalik Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey in Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri:
"Wax fududeeya oo ha adkaynina, oo bishaareeya oo dadka ha cayrinina".
[Xadiis Saxiix ah] - [Xadiis la isku waafaqay] - [Saxiix AlBukhaari - 69]
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu amray in loo fududeeyo oo loo sahlo dadka oo aan lagu adkayn dhamaan arimaha Diinta iyo tan Aduunba, taasoo ah xuduuda Ilaahay baneeyey ee Shareecadiisu ogoshahay.
Wuxuu ku dhiiri galinayaa dadku inay khayrka iyo wanaaga isugu bishaareeyaan oo aanay dadka ka eryin khayrka.