+ -

عن أسامة بن زيد رضي الله عنهما عن النبي صلى الله عليه وسلم قال:
«مَا تَرَكْتُ بَعْدِي فِتْنَةً أَضَرَّ عَلَى الرِّجَالِ مِنَ النِّسَاءِ».

[صحيح] - [متفق عليه] - [صحيح البخاري: 5096]
المزيــد ...

Usaama Binu Seyd Allaha ka raali ahaado isaga iyo Aabihiyee, waxaa laga wariyey in Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri:
Ugama tegin gadaashayda fitno Ragga uga daran Dumarka".

[Xadiis Saxiix ah] - [Xadiis la isku waafaqay] - [Saxiix AlBukhaari - 5096]

Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay inuusan gadaashiisa uga tegin Ragga itaxaan iyo ibtilo uga daran Dumarka, haday ehelkiisa tahay waxaa dhici kara inuu ku raaco waxay Sharciga ku khilaaftay, haday ajnabi ka tahayna inay is dhex galaan oo uu la khaali noqdo ayaa fasaad uga imaan karaa.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Qofka Muslimka ah waxaa looga baahan yahay inuu ka digtoonaado fitnada Haweenka, iyo inuu iska oodo meel kasta oo fitno Dumar uga iman karto.
  2. Waxaa la gudboon muuminka inuu Ilaahay cuskado oo isaga jeclaado si uu uga nabad galo fitnooyinka aduunka.
Tarjumada: Engriisi Urduu Isbaanish Indunuusi Luqadda iigoorka Luqadda Bengaaliga Faransiis Luqadda Turkiga. Ruush Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda Hindida Luqadda Shiinaha Luqadda Faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda Tajaluga Kurdiga Hawsaha Boortaqiis Malayaalim Telgoo Sawaaxili Taymaali Boorma Taylaand Jarmal Japan Luqadda bushtuuga Asaami Albaani Luqadda iswiidhen Luqadda hoolandiga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Yorba Luqadda Liitawaaniga Luqadda dariya Luqadda serbiga Luqadda daajiika Ruwanda Luqadda roomaaniya Luqadda hangeriga Luqadda jeegga الموري Malgaashi Talyaani Oromo Luqadda kinaadiga الولوف البلغارية Adrabijaan Luqadda yukreyn الجورجية المقدونية
Bandhigga tarjumada.