+ -

عَنْ عَبْدِ اللَّهِ بنِ عُمرَ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُما أَنَّ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ:
«كُلُّكُمْ رَاعٍ فَمَسْئُولٌ عَنْ رَعِيَّتِهِ، فَالأَمِيرُ الَّذِي عَلَى النَّاسِ رَاعٍ وَهُوَ مَسْئُولٌ عَنْهُمْ، وَالرَّجُلُ رَاعٍ عَلَى أَهْلِ بَيْتِهِ وَهُوَ مَسْئُولٌ عَنْهُمْ، وَالمَرْأَةُ رَاعِيَةٌ عَلَى بَيْتِ بَعْلِهَا وَوَلَدِهِ وَهِيَ مَسْئُولَةٌ عَنْهُمْ، وَالعَبْدُ رَاعٍ عَلَى مَالِ سَيِّدِهِ وَهُوَ مَسْئُولٌ عَنْهُ، أَلاَ فَكُلُّكُمْ رَاعٍ وَكُلُّكُمْ مَسْئُولٌ عَنْ رَعِيَّتِهِ».

[صحيح] - [متفق عليه]
المزيــد ...

Cabdullaahi Binu Cumar-Allaha ka raalli ahaadee-wuxuu ka wariyey Rasuulka Ilaahay-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- inuu yiri:
"dhamaantiin waxaad tihiin Ilaaliye, waana la waydiin wixii la raaciyey, Amiirka dadka maamula waa ilaaliye isagaana la waydiin masuuliyadii uu hayey, ninka waxaa la raaciyey qoyskiisa waana la waydiin, gabadha xaaska ahna waxaa la raaciyey guriga ninkeeda iyo caruurtiisa waana la waydiindoonaa, Addoonka waxaa la raaciyey xoolaha sayidkiisa waana la waydiindoonaa, hooy dhamaantiin ilaaliyeyaal dhamaantiina waana la idin weydiindoonaa wixii la idin raaciyey."

Xadiis Saxiix ah. - Xadiis la isku waafaqay

Sharaxaad

Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu sheegay in qof walba oo muslima ay ka saaran tahay bulshada masuuliyad ay tahay inuu ilaaliyo oo ka soo boxo. Imaamka iyo amiirku waxay ilaalinayaan wixii Ilaahay raaciyey, waxaa laga rabaa inay ilaaliyaan sharcga, oo ay ka difaacaan cidii dulmi wada, oo ay ku jihaadaan cadowgooda, oo aysan dayicin xaqooda. Ninkuna wuxuu masuul ka yahay inuu qoyskiisa biilo, oo uu si fiican ula dhaqmo, oo uu wax baro oo uu edbiyo. Gabadhana waxaa la raaciyey guriga ninkeeda waa inay si fiican u maamusho gurigiisa oo ay tarbiyeyso caruurtiisa, iyadaana masuul ka ah arinkaas. Qofka khidmeeya ee adoonka ah iyo kan shaqaalaha ah waxay masuul ka yihiin xoolaha sayidkooda waa inay ilaaliyaan wixii uu u dhiibay iyo shaqadii uu u diray, iyagaana masuul ka ah arinkaas. Qofkasta wuxuu masuul ka yahay wixii la raaciyey, qof walbana waa la waydiinayaa wixii la raaciyey.

Tarjamada: Ingriisi Urduu Luqadda isbaanishka Indooniisi Luqadda iigoorka Faransiis Luqadda turkiga. Ruush Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda hindida Luqadda shiinaha Luqadda faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda tajaluga Luqadda kurdiga Luqadda hawsaha Luqadda boorta qiiska Luqadda sawaaxiliga Luqadda bushtuuga Luqadda asaamii Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Luqadda yuruuba Luqadda dariya
Bandhigga tarjamada.

Faa,iidooyinka xaddiiska laga faa,iidaysanayo waxaa kamid ah.

  1. Masuuliyada bulshada muslimka ah waa mid guud, qof kastana waxaa laga rabaa inta awooddiisa iyo mas'uuliyadiisu tahay, ee uu gudan karo.
  2. Masuuliyada dumarka saarani waa mid wayn, waxaana laga rabaa inay si wanaagsan u gudato waajibka ka saaran guriga ninkeeda iyo kan caruurteeda.