+ -

عن مَعقِلِ بن يَسار المُزَنِيّ رضي الله عنه قال: إني سمعت رسول الله صلى الله عليه وسلم يقول:
«مَا مِنْ عَبْدٍ يَسْتَرْعِيهِ اللهُ رَعِيَّةً، يَمُوتُ يَوْمَ يَمُوتُ وَهُوَ غَاشٌّ لِرَعِيَّتِهِ، إِلَّا حَرَّمَ اللهُ عَلَيْهِ الْجَنَّةَ».

[صحيح] - [متفق عليه] - [صحيح مسلم: 142]
المزيــد ...

Macqal Binu Yasaar AlMusani Allaha ka raali ahaadee waxaa la wariyey inuu yiri: waxaan ka maqlay Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee isagoo dhahaya:
"Adoonkii Ilaahay madax uga dhigo Shacab, oo Maalinta uu dhimanaayo dhinta isago soo khiyaamay shacabkiisii, Ilaahay wuxuu ka xarimaa Janada".

[Xadiis Saxiix ah] - [Xadiis la isku waafaqay] - [Saxiix Muslim - 142]

Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in qof kasta oo Ilaahay Masuul uga dhigay dad, ha noqoto masuuliyad guud sida Madaxweyne, ama masuuliyad gaara sida tan ninka ka saaran gurigiisa, ama Gabadha ka saaran Gurigeeda, hadii ay dayacaan wixii masuulka looga dhigay, ama ay khiyaaanan oo aanay u naseexayn, oo dayacaan xuquuqdooda Diineed iyo tan Aduunyo, waxay mutaysanayaan ciqaabtaas adag.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Goodigaasi gaar kuma aha Madaxwaynaha iyo ku Xigeenadiisa, balse waa mid guud oo loo jeedo qofkastoo Ilaahay Madax uga dhigay dad.
  2. Waxaa waajib ku ah Qofkasta oo Masuul ka noqda arin Muslimiintu leeyihiin inuu u naseexeeyo, kuna dadaalo inuu Amaanada guto, oo dadka uga digo khiyaanada.
  3. Xadiiska waxa ku sugan weynida ay leedahay Qof walba ee qaada Mas'uuliyad guud Bulshada ama mid gaara, ha noqoto mid weyn ama mid yare.
Tarjumada: Engriisi Urduu Isbaanish Indunuusi Luqadda iigoorka Luqadda Bengaaliga Faransiis Luqadda Turkiga. Ruush Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda Hindida Luqadda Shiinaha Luqadda Faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda Tajaluga Kurdiga Hawsaha Boortaqiis Malayaalim Telgoo Sawaaxili Taymaali Boorma Taylaand Jarmal Japan Luqadda bushtuuga Asaami Albaani Luqadda iswiidhen Luqadda hoolandiga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Yorba Luqadda Liitawaaniga Luqadda dariya Luqadda serbiga Luqadda daajiika Ruwanda Luqadda roomaaniya Luqadda hangeriga Luqadda jeegga الموري Malgaashi Luqadda foolaaniga Oromo Luqadda kinaadiga الولوف البلغارية Adrabijaan اليونانية Luqadda usbiika Luqadda yukreyn الجورجية المقدونية
Bandhigga tarjumada.