+ -

عن أبي هريرة رضي الله عنه عن النبي صلى الله عليه وسلم أنه قال:
«مَنْ ‌خَرَجَ ‌مِنَ ‌الطَّاعَةِ، وَفَارَقَ الْجَمَاعَةَ فَمَاتَ، مَاتَ مِيتَةً جَاهِلِيَّةً، وَمَنْ قَاتَلَ تَحْتَ رَايَةٍ عِمِّيَّةٍ، يَغْضَبُ لِعَصَبَةٍ، أَوْ يَدْعُو إِلَى عَصَبَةٍ، أَوْ يَنْصُرُ عَصَبَةً، فَقُتِلَ، فَقِتْلَةٌ جَاهِلِيَّةٌ، وَمَنْ خَرَجَ عَلَى أُمَّتِي، يَضْرِبُ بَرَّهَا وَفَاجِرَهَا، وَلَا يَتَحَاشَى مِنْ مُؤْمِنِهَا، وَلَا يَفِي لِذِي عَهْدٍ عَهْدَهُ، فَلَيْسَ مِنِّي وَلَسْتُ مِنْهُ».

[صحيح] - [رواه مسلم]
المزيــد ...

Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade wuxuu ka wariyey Nabiga scw inuu yiri:
Qofka ka hor yimaada madaxdiisa, bulshada muslimiintana ka dhex baxa ee sidaa ku dhinta, wuxuu ku dhintay dhimasho jaahili, qofka u dagaalama calan indho la`aan ah oo baadil ah, oo uu u caroonayo qabyaalad ama ugu yeeraya qabyaalad, ama u gargaaraya qabyaalad oo ku dhinta dhimashadiisu waa jaahili, qofka la dirira ummaddayda, ee garaaca kan baariga ah iyo kan faajirka ahba, ee aan ka leexan kan mu'uminka ah, ee aan kii balanta lahaa aan u oofin balantiisii, kaasi igama mid aha aniguna ka mid ma ihi".

Xadiis Saxiix ah. - Waxa wariyay Muslim.

Sharaxaad

Nabigu scw wuxuu cadeeyey in qofka madaxda adeeci waaya oo ka baxa muslimiinta ku midaysan baycada Imaamka, ee sidaa ku dhinta isagoo jamaacada musliiinta ka baxay madaxdiina khilaafay, wuxuu ku dhintay dhimasho jaahili ah, kuwaasoo madaxna aan maqlayn, bulshodana aan ku xirnayn, balse ahaa kuwo kala firdha una kala qaybsanaa kooxo qabiilo ah oo qolaba qolo la dagaasho.
Rasuulku scw wuxuu sheegay in qofka u dagaalama calan aysan u cadayn inuu xaq yahay iyo inuu baadil yahay, oo uu u caroonayo hadii qoladiisu ama qabiilkiisu caroodo, oo uusan u caroon isagoo diinta u gargaaraya ama xaqa u gargaaraya, oo ku dagaalamo qabyaalad indho la`aan iyo cilmi la`aan ah, hadii xaaladaas lagu dilo waxay la mid tahay dhimasho jaahili ah.
Nabigu scw wuxuu sheegay qofkii la dirira ummaddisa ee garaaca qofka fiican iyo kan xunba, ee wuxuu samaynaayo aan dan ka gelin, ee aan ka baqin ciqaabta dilka mu'uminiinta, ee aan ilaalinay balanta dadka lagula jiro sida gaalada balanta ku jooga iyo madaxda balanta lala galay, balse burinaaya balamada, arinkaasi wuxuu ka mid yahay dunuubta waawayn, qofkii sameeyana wuxuu xaq u yeelan goodigaas adag.

Tarjamada: Ingriisi Urduu Luqadda isbaanishka Indooniisi Luqadda iigoorka Luqadda bengaaliga Faransiis Luqadda turkiga. Ruush Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda hindida Luqadda shiinaha Luqadda faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda kurdiga Luqadda hawsaha Luqadda boorta qiiska Luqadda Malayalam Luqadda talgu Luqadda sawaaxiliga Luqadda taymelka Luqadda boomiyaanka Luqadda taylandiga Luqadda jabbaaniiska Luqadda bushtuuga Luqadda asaamii Luqadda Albaaniya Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda hoolandiga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Luqadda yuruuba Luqadda Liitawaaniga Luqadda dariya Luqadda kiniya ruwadiga
Bandhigga tarjamada.

Faa,iidooyinka xaddiiska laga faa,iidaysanayo waxaa kamid ah.

  1. Madaxda in lagu adeeco wixii aan macsi Ilaahay casa wajala ahayn waxay ka mid tahay arimaha waajibka ah .
  2. Xadiiskan waxaa ku jira digniin wayn oo ku socota cida adeeciwayda madaxda, ee ka baxa midnimada muslimiinta, haduu sidaa ku dhinto, wuxuu ku dhintay dariiqii dadka Jaahiliga.
  3. Adiiskan waxaa ku jira reebid la reebayo in loo dagaalamo qabyaalad.
  4. Waa waajib in la oofiyo balamada.
  5. in madaxda la adeeco oo midnimda musliniita lagu jiro waxaa ku jira khayr badan, nabad iyo deganaansho, iyo in xaaladu hagaagto.
  6. Waxaaa la reebay in la isku ekaysiiyo axwaasha dadka jaahiliga ah.
  7. Waxaa la is farayaa ku dhex jirka midnimada ummadda muslimiinta.