+ -

عن عرفجة رضي الله عنه قال: سمعت رسول الله صلى الله عليه وسلم يقول:
«مَنْ أَتَاكُمْ وَأَمْرُكُمْ جَمِيعٌ عَلَى رَجُلٍ وَاحِدٍ، يُرِيدُ أَنْ يَشُقَّ عَصَاكُمْ، أَوْ يُفَرِّقَ جَمَاعَتَكُمْ، فَاقْتُلُوهُ».

[صحيح] - [رواه مسلم]
المزيــد ...

Carfaja Allaha ka raali ahaade wuxuu dhahay: Rasuulka Ilaahay scw waxaan ka maqlay isagoo dhahaya:
"Qofka idiin yimaada idinkoo ku midaysan nin kaliya, qofkaasoo doonaya inuu idin kala geeyo, ama midnimadiina dhaawaco, dila".

Xadiis Saxiix ah. - Waxa wariyay Muslim.

Sharaxaad

Nabigu wuxuu cadeeyey muslimiinta oo ku midaysan hal nin oo xukuma, iyo aragti kaliya, ka dibna uu u yimaado mid doonaya inuu xukunka kula diriro, ama raba inuu muslimiinta u kala jabiyo kooxo badan, waxaa waajib ku ah muslimiintu inay u diidaan oo la diriraan , iyadoo laga hortagaayo sharkiisa iyo musliniinta dhiigooda oo la ilaalinayo.

Tarjamada: Ingriisi Urduu Luqadda isbaanishka Indooniisi Luqadda iigoorka Luqadda bengaaliga Faransiis Luqadda turkiga. Ruush Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda hindida Luqadda shiinaha Luqadda faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda kurdiga Luqadda hawsaha Luqadda boorta qiiska Luqadda Malayalam Luqadda talgu Luqadda sawaaxiliga Luqadda taymelka Luqadda boomiyaanka Luqadda taylandiga Luqadda jabbaaniiska Luqadda bushtuuga Luqadda asaamii Luqadda Albaaniya Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda hoolandiga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Luqadda yuruuba Luqadda Liitawaaniga Luqadda dariya Luqadda kiniya ruwadiga
Bandhigga tarjamada.

Faa,iidooyinka xaddiiska laga faa,iidaysanayo waxaa kamid ah.

  1. Waxaa waajib ah in la maqalo oo lagu adeeco ninka muslimiinta xukuma wixii aan macsi ahayn. waana xaaraan in lala dagaalamo.
  2. Cida la dagaalanta ninka muslimiinta xukuma iyo bulshada la jirtya waxaa waajib ah la la dagaalo,siduu doono ha u sareeyo
  3. maqaamkiisu iyo qabiilkiisuye.
  4. Waxaa dadka lagu boorinayaa inay midoobaan oo aanay kala tagin oo is khilaafin.