عن ابن عمر رضي الله عنهما قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم:
«كل مُسْكِرٍ خَمْرٌ، وكل مُسْكِرٍ حرام، ومن شرِب الخمر في الدنيا فمات وهو يُدْمِنُهَا لَمْ يَتُبْ، لَمْ يَشْرَبْهَا في الآخرة».
[صحيح] - [رواه مسلم وأخرج البخاري الجملة الأخيرة منه] - [صحيح مسلم: 2003]
المزيــد ...
Ibnu Cumar Allaha ka raali ahaado isaga iyo Aabihiye waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri:
"Maandooriye kasta waa khamri, Maandooriye kastana waa xaraan, midkii isagu caba khamri dunida dusheeda oo dhinta isago joogteystey oo aan ka tooba keenin, ku cabi maayo aakhiro.
[Xadiis Saxiix ah] - - [Saxiix Muslim - 2003]
Waxuu caddeeyey nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wax kasta oo caqliga Aadamaha ka kexeeya inuu yahay khamri maskaxda dooniya ha ahaado cabitaan ama wax la cuno, ama sanka halaga neef jeedo e ama si'aan sidaa aheyn halo isticmaale, wax kasta oo maanka dooriya oo caqliga ka kexeeya ogaalka dhabta ah xaqiiqdi Ilaahay kor ahaaye wuu reebey oo waa xaraan, yaraantiisa iyo badnaantiisa. Qofkasta oo wax ka caba noocyada maan dooriyaha, oo joogteeya cabidiisa, ee aan ka towbo keenin ilaa uu ka dhinto wuxuu mutaysanayaa ciqaabta Ilaahay, waana laga xarimayaa inuu Janada ku cabo.