+ -

عن عبد الله بن عمرو رضي الله عنهما عن النبي صلى الله عليه وسلم قال:
«مَنْ قَتَلَ مُعَاهَدًا ‌لَمْ ‌يَرَحْ ‌رَائِحَةَ الْجَنَّةِ، وَإِنَّ رِيحَهَا تُوجَدُ مِنْ مَسِيرَةِ أَرْبَعِينَ عَامًا».

[صحيح] - [رواه البخاري]
المزيــد ...

Cabdullahi Binu Camar Allaha ka raali ahaade wuxuu Nabiga scw ka wariyey inuu dhahay:
"Qofka dila gaal mucaahida ma urin doono carafta janada, carafteedana waxaa laga uriyaa meel loo socdo afartan sano".

Xadiis Saxiix ah. - Waxa wariyay Albukhaari.

Sharaxaad

Nabigu scw wuxuu cadeeyey goodiga adag ee ku soo arooray adag qofka dila mucaahad waana gaalka ku soogala dhulka muslimiinta heshiis iyo amaan, qofkaasi ma urindoono carafta janada, carafteedana waxaa laga uriyaa meel loo socdo afartan sano.

Tarjamada: Ingriisi Urduu Luqadda isbaanishka Indooniisi Luqadda iigoorka Luqadda bengaaliga Faransiis Luqadda turkiga. Ruush Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda hindida Luqadda shiinaha Luqadda faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda kurdiga Luqadda hawsaha Luqadda boorta qiiska Luqadda Malayalam Luqadda talgu Luqadda sawaaxiliga Luqadda taymelka Luqadda boomiyaanka Luqadda taylandiga Luqadda jabbaaniiska Luqadda bushtuuga Luqadda asaamii Luqadda Albaaniya Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda hoolandiga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Luqadda yuruuba Luqadda Liitawaaniga Luqadda dariya
Bandhigga tarjamada.

Faa,iidooyinka xaddiiska laga faa,iidaysanayo waxaa kamid ah.

  1. Waa xaaraan in la dilo mucaahidka, dimiga iyo musta-amanka, dilkooduna waa dambiyada waaweyn.
  2. Mucaahadku: waa gaalka balan lala galo isagoo dhulkiisa jooga, inaanu la dagaalamayn muslimiinta, muslimiintuna amaan siinayaan, dimigu: waa midka deganaada dhulka muslimiinta ee jisyada laga qaado, musta-mankuna: waa gaalka ku soo gala dhulka islaamka heshiis iyo amaan, waqti kooban.
  3. Waxaa laga digayaa in la khiyaamo balamada lagu jiro dadka aan musliniita ahayn.
dheeraad/kordhin