عن عائشة رضي الله عنها قالت: سمعتُ من رسول الله صلى الله عليه وسلم يقول في بيتي هذا:
«اللَّهُمَّ مَنْ وَلِيَ مِنْ أَمْرِ أُمَّتِي شَيْئًا فَشَقَّ عَلَيْهِمْ فَاشْقُقْ عَلَيْهِ، وَمَنْ وَلِيَ مِنْ أَمْرِ أُمَّتِي شَيْئًا فَرَفَقَ بِهِمْ فَارْفُقْ بِهِ».

[صحيح] - [رواه مسلم] - [صحيح مسلم: 1828]
المزيــد ...

Caa'isha Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inay tiri: waxaan ka maqlay Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee isagoo ku dhahaya Gurigaygan dhexdiisa:
"Allahayow Qofkii Madax u noqda Ummaddayda oo wax ku adkeeya isna ku adkee, midka Madax u noqda Ummaddayda oo u naxariistana u naxariiso."

[Xadiis Saxiix ah] - [Waxa wariyay Muslim] - [Saxiix Muslim - 1828]

Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuu habaaray Qofkastoo Madax ka noqda arimaha Muslimiinta hayaraado arinkaasi ama ha weynaadee, Madaxtinimadaasi ha noqoto mid guud ama mid kooban ee gaara, Qofkaasoo Madaxtinimadiisa dadka ku dhibaateeya, oo aan u naxariisan, Ilaahay wuxuu ku abaal marin camalkii uu sameeyey noociisa, wuuna ku adkayn.
Midkase u naxariista dadka oo u fududeeya arimahooda, Ilaahay ayaa u naxariista oo u fududeeya arinkiisa.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Waxaa ku waajib ku ah Qofka Muslimiinta arimahooda shay ka mida Madax ka noqda inuu u naxariisto intuu kari karo.
  2. Abaal marintu waxay noqotaa nooca camalku yahay.
  3. Miisaanka lagu cabiraayo naxariista ama adakaynta waa wixii aan khilaafsanayn Kitaabta iyo Sunada.
Bandhigga tarjumada.
Tarjumada: Engriisi Urduu Isbaanish dheeraad/kordhin (67)