+ -

قال سعد بن هشام بن عامر -عندما دخل على عائشة رضي الله عنها-:
يَا أُمَّ الْمُؤْمِنِينَ، أَنْبِئِينِي عَنْ خُلُقِ رَسُولِ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ، قَالَتْ: أَلَسْتَ تَقْرَأُ الْقُرْآنَ؟ قُلْتُ: بَلَى، قَالَتْ: فَإِنَّ خُلُقَ نَبِيِّ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ كَانَ الْقُرْآنَ.

[صحيح] - [رواه مسلم في جملة حديثٍ طويلٍ] - [صحيح مسلم: 746]
المزيــد ...

Sacad Binu Hishaam Binu Caamir-markuu u galay Caa'isha-Allaha ka raali ahaaadee waxaa laga wariyey inuu yiri:
Hooyadii Mu'uminiintaay, ii sheeg akhlaaqdii Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee , waxay tiri: Qur'aanka miyaadan akhrin? waxaan iri: haa, waxay tiri: akhlaaqda Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ahaa Qur'aanka.

[Xadiis Saxiix ah] - [muslim baa wariyey isagoo xadiis aad udheer ah] - [Saxiix Muslim - 746]

Sharraxaad

Waxaa la waydiiyey Caa'isha-Allaha ka raali ahaade akhlaaqdii Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee waxay ku jawaabtay hadal aad u guda wayn, waxayna u jeedisay Qofkii su'aasha waydiiyey Qur'aanka oo ah Kitaabka Sifooyinkiisa oo dhan kaamil yihiin, waxayna dhahday: wuxuu ahaa Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee mid ka akhlaaq dhigta Qur'aanka, oo ku dhaqma isaga, Qur'aanku wuxuu faro wuu fulin jirey, wuxuu ka reebana wuu ka fogaanayey, khuluqiisu wuxuu ahaa mid Qur'aanka ku camal fala, kuna ekaada xuduuddiisa, ka edeb qaata Quraanka, oo ku cibro qaata maahmaahyihiisa iyo qisooyinkiisa.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Waxaa lagu boorinayaa dadku inay kaga daydaan Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee akhlaaqdiisii uu ka dhigtay akhlaaqda Qur'aanka.
  2. Waa la amaanay akhlaadii Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee waxayna ka mid ahayd ilayskii Waxyiga.
  3. Qur'aanku waa salka u noqoshada dhamaan akhlaaqda wanaagsan.
  4. Akhlaaqdu Islaamka waxay koobaysaa Diinta oo dhan hadii ay tahay amarka oo la fuiyo iyo hadii ay tahay wixii la iska reebay oo laga fogaado.
Tarjumada: Engriisi Urduu Isbaanish Indunuusi Luqadda iigoorka Luqadda Bengaaliga Faransiis Luqadda Turkiga. Ruush Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda Hindida Luqadda Shiinaha Luqadda Faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda Tajaluga Kurdiga Hawsaha Boortaqiis Malayaalim Telgoo Sawaaxili Taymaali Boorma Taylaand Jarmal Japan Luqadda bushtuuga Asaami Albaani Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda hoolandiga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Yorba Luqadda Liitawaaniga Luqadda dariya Luqadda serbiga Luqadda daajiika Ruwanda Luqadda roomaaniya Luqadda hangeriga Luqadda jeegga الموري Malgaashi Talyaani Luqadda kinaadiga الولوف البلغارية Adrabijaan Luqadda yukreyn الجورجية المقدونية
Bandhigga tarjumada.