عن عبد الله بن عمرو رضي الله عنهما أن النبي صلى الله عليه وسلم قال:
«الرَّاحِمُونَ يَرْحَمُهمُ الرَّحمنُ، ارحَمُوا أهلَ الأرضِ يَرْحْمْكُم مَن في السّماء».
[صحيح] - [رواه أبو داود والترمذي وأحمد] - [سنن أبي داود: 4941]
المزيــد ...
Cabdullaahi Binu Camar -Allaha ka raali ahaado isaga iyo Aabihiye- waxaa laga wariyey in Nabigu nabadgelyo iyo naxarasiis Allaha siiyee uu yiri:
"kuwa naxariista Raxmaankaa iyagana u naxariisan, u naxariista waxa dhulka ku nool waxaa idiin naxariisan Raxmaanka Samada ku sugane.
[Xadiis Saxiix ah] - [Waa wariyay Abuu Daa'uud, At-Tirmidi, Iyo Axmed] - [Sunan Abii Daa'uud - 4941]
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey in kuwa u naxariista dadka kale iyagana Raxmaanku u naxariisto, naxariistaas oo cid walba gaartay, iyadoo lagu abaal marinaayo ficilkoodii.
Ka dibna wuxuu amray Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee in loo naxariisto dhamaan noolayaasha ku nool dhulka, Dad, Xayawaan, Shimbiro, iyo nuucyada kale ee Ilaahay abuuray, kuwaasna abaalkoodu waa in Ilaahay uga soo naxariisto xaga Samada.