عن أبي هريرة رضي الله عنه قال:
كان رسولُ الله صلى الله عليه وسلم إذا عَطَس وضَعَ يَدَه -أو ثوبَهُ- على فيهِ، وخَفَضَ -أو غضَّ- بها صوتَهُ.

[صحيح] - [رواه أبو داود والترمذي وأحمد] - [سنن أبي داود: 5029]
المزيــد ...

Abii Hureyra Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri:
Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee haduu hindhisayo Gacantiisa ama Maradiisa ayuu saari jiray Afkiisa oo ku yarayn jiray Codkiisa.

[Xadiis Saxiix ah] - [Waa wariyay Abuu Daa'uud, At-Tirmidi, Iyo Axmed] - [Sunan Abii Daa'uud - 5029]

Sharraxaad

Nabigu naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee wuxuu ahaa haduu hindhisayo:
marka 1aad: Gacantiisa ama Maradiisa ayuu Afka saari jiray, si aanu uga soo bixin Afkiisa ama Sankiisa wax dadka la fadhiya dhiba.
Marka 2aad: Codkiisa ayuu hoos u dhigi jiray oo kor uma qaadi. jirin.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Xadiiskaan waxaa ku cad dhaqankii Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu u hindhisi jiray iyo in looga daydo arinkaas.
  2. Waa Suno in Afka iyo Sanka la saaro Maro ama Masar iyo wixii la mid ah markuu Qofku hindhisayo, si aanay uga soo bixin wax dhiba Qofka la fadhiya.
  3. Xadiiska waxaa ku sugan in la rabo in Codka hoos loo dhigo marka la hindhisaayo, waana kaamilnimada aadaabta iyo akhlaaqda wanaagsan.
Bandhigga tarjumada.
Tarjumada: Engriisi Urduu Isbaanish dheeraad/kordhin (52)