عن عائشة أم المؤمنين وعبد الله بن عباس رضي الله عنهما قالا:
لَمَّا نَزَلَ بِرَسُولِ اللَّهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ طَفِقَ يَطْرَحُ خَمِيصَةً لَهُ عَلَى وَجْهِهِ، فَإِذَا اغْتَمَّ بِهَا كَشَفَهَا عَنْ وَجْهِهِ، فَقَالَ وَهُوَ كَذَلِكَ: «لَعْنَةُ اللَّهِ عَلَى اليَهُودِ وَالنَّصَارَى، اتَّخَذُوا قُبُورَ أَنْبِيَائِهِمْ مَسَاجِدَ» يُحَذِّرُ مَا صَنَعُوا.
[صحيح] - [متفق عليه] - [صحيح البخاري: 435]
المزيــد ...
Caa'isha iyo Cabdullaahi Binu Cabaas Allaha ka wada raali ahaadee waxaa laga wariyey inay yiraahdeen:
Markuu ku soo degay Rasuulka Ilahay nabadgelyo iyo naxarasiis Allaha siiyee sakaraadka geeridu wuxuu bilaabay inuu wajiga iska saaro cimaamad uu lahaa, markuu sakaraadku ku sii kordhana wuu iska qaadayey, wuxuu yiri isagoo xaaladaa ku sugan:" Allaha lacnado Yuhuud iyo Nasaaro, qubuuraha Nabiyadooda ayey Masaajid ka dhigteen" wuxuu ka digey waxay sameeyeen.
[Xadiis Saxiix ah] - [Xadiis la isku waafaqay] - [Saxiix AlBukhaari - 435]
Caa'isha iyo Cabdullaahi Binu Cabaas Allaha ka raali ahaadee waxay inoo sheegeen in markii Rasuulka Ilahahay nabadgelyo iyo naxarasiis Allaha siiyee uu ku dhacay sakaraadku, inuu bilaabay inuu wajiga iska saaro maro, marka neeftu ku dhagto sakaraadka awgii uu iska qaadayey, wuxuuna dhahayey isagoo xaaladaa adag ku jira: Allaha lacnado Yuhuud iyo Nasaaro oo ha ka fogeeyo naxariistiisa, sababtoo ah waxay ka dul dhiseen qubuuraha Nabiyadooda Masaajid, haduuna arinkaasi khatar weyn ahayn Nabiga oo xaalad sakaraad taagan muuna sooqaadeen, sidaa darteed wuxuu ka reebay Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ummaddiisa inay sidasoo kale la yimaadaan oo ay u ekaadaan Yuhuuda iyo Nasaarada, waayo waa ficil Yuhuud iyo Nasaaro ay ku tilmaaman yihiin, waana wax u jiidi kara Qofka inuu Ilaahay u shariig yeelo.