عن أبي الهيَّاج الأسدي قال:
قَالَ لِي عَلِيُّ بْنُ أَبِي طَالِبٍ: أَلَا أَبْعَثُكَ عَلَى مَا بَعَثَنِي عَلَيْهِ رَسُولُ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ؟ أَنْ لَا تَدَعَ تِمْثَالًا إِلَّا طَمَسْتَهُ، وَلَا قَبْرًا مُشْرِفًا إِلَّا سَوَّيْتَهُ.
[صحيح] - [رواه مسلم] - [صحيح مسلم: 969]
المزيــد ...
Abii Hayaaj Alasdi Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri:
Cali Binu Abii Daalib ayaa igu dhahay: ma kuu diraa wuxuu Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ii diray? inaadan dhaafin Sanam aad burburiso iyo Qabri la dhisay oo aadan dhulka la simin.
[Xadiis Saxiix ah] - [Waxa wariyay Muslim] - [Saxiix Muslim - 969]
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu Asxaabta u diri jiray inaysan ka tagin wax sanam ah, waana sawirka wax nool oo jurmi leh ama wax aan jurmi lahayn ee ay burburiyaan oo tirtiraan.
Iyo inaysan dhaafin qabri kor loo dheereeyey ilaa ay dhulka la simaan, wixii laga dul dhisayna ay dumiyaan, ama ay ka dhigaan mid siman oo aan dhulka ka sarayn wax badan balse ka sareeya wax taako dhan.