عن خَوْلَةَ بِنْتَ حَكِيمٍ السُّلَمِيَّةَ قَالتْ: سَمِعْتُ رَسُولَ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ يَقُولُ:
«مَنْ نَزَلَ مَنْزِلًا ثُمَّ قَالَ: أَعُوذُ بِكَلِمَاتِ اللهِ التَّامَّاتِ مِنْ شَرِّ مَا خَلَقَ، لَمْ يَضُرَّهُ شَيْءٌ حَتَّى يَرْتَحِلَ مِنْ مَنْزِلِهِ ذَلِكَ».
[صحيح] - [رواه مسلم] - [صحيح مسلم: 2708]
المزيــد ...
khawlat Bintu Xakiim Alsulaymiyah Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inay tiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee waxaan ka maqlay isagoo dhahaya:
"Qofka meel dega ee dhaha: acuudu bikalimaati Allaahi taamaati min shari maa khalaqa, lam yaduruhu shayin xataa yartaxil min mansilihi daalik".
[Xadiis Saxiix ah] - [Waxa wariyay Muslim] - [Saxiix Muslim - 2708]
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ku hagayaa ummaddiisa inay magan galaan kan wax tarka leh ee ka difaacaya wax walba ee dadku ka baqayaan markay meel dhulka ka mida degaan, ama safar yahay ama dalxiis iyo wixii la mida, waa inuu magan galaa oo difaac ka dhigtaa kalimaadka Ilaahay ee kaamilka ah fadligooda iyo barakadooda iyo nafacooda iyado aan lahayn ceeb iyo naqsi, uuna ka magan gelaya wixii Ilaahay abuuray ee shar leh, oo makraa uu ka nabad galo wax walba oo dhib leh inta uu degan yahay meshaa.