+ -

عَنْ عَائِشَةَ أُمِّ المُؤمنينَ رضي الله عنها قَالَتْ:
دَخَلَ عَلَيَّ رَسُولُ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ، وَقَدْ سَتَرْتُ سَهْوَةً لِي بِقِرَامٍ فِيهِ تَمَاثِيلُ، فَلَمَّا رَآهُ هَتَكَهُ وَتَلَوَّنَ وَجْهُهُ وَقَالَ: «يَا عَائِشَةُ، أَشَدُّ النَّاسِ عَذَابًا عِنْدَ اللهِ يَوْمَ الْقِيَامَةِ الَّذِينَ يُضَاهُونَ بِخَلْقِ اللهِ» قَالَتْ عَائِشَةُ: «فَقَطَعْنَاهُ فَجَعَلْنَا مِنْهُ وِسَادَةً أَوْ وِسَادَتَيْنِ».

[صحيح] - [متفق عليه]
المزيــد ...

Caa'isha, Muminiinta Hooyadood- Allaha ka raali ahaadee- waxay tiri:
Nabiga ayaa ii soo galay-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- anigo sanduuqayga ku daboolay maro sawiro leh, Nabigu scw markuu arkay maradii wajigiisu waa isbedelay wuxuuna yiri: caa`ishoy Ilaahay xagiisa waxaa dadka ugu cadaab kulul maalinta qiyaame kuwa Ilaahay khalqigiisa wax u ekaysiiya, caa`isha waxay tiri: maradii waan kala jeexnay oo waxaan ka dhignay barkin ama laba barkimood.

Xadiis Saxiix ah. - Xadiis la isku waafaqay

Sharaxaad

Nabiga-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- ayaa u soo galay Caa'isha, wuxuu arkay iyadoo sanduuq alaabta lagu rido ku dabooshay maro sawiro wax naflay ahi ku sawiran yihiin, markaasaa Nabiga scw wejigiisu isbedelay isagoo Ilaahay darti u carooday, wuuna ka tuuray maradii, wuxuuna yiri: Dadka ugu cadaabta daran maalinta qiyaamaha waa kuwa u ekeysiinaaya sawiradooda makhluuqaadka Ilaahay. Caa'isha waxay tiri: waxaan ka dhignay barkimo ama labo barkimood.

Tarjamada: Ingriisi Urduu Luqadda isbaanishka Indooniisi Luqadda iigoorka Faransiis Ruush Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda hindida Luqadda shiinaha Luqadda faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda kurdiga Luqadda hawsaha Luqadda boorta qiiska Luqadda sawaaxiliga Luqadda bushtuuga Luqadda asaamii Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Luqadda yuruuba Luqadda dariya
Bandhigga tarjamada.

Faa,iidooyinka xaddiiska laga faa,iidaysanayo waxaa kamid ah.

  1. Waxaa haboon in waxa xun la reebo marka la arko ee u horaysa, dibna aan loo dhigin, hadaanu fasahaad ka xuni ka dhalanayn.
  2. Cadaabtu maalinta qiyaamaha way u kala daran tahay sida dambiyadu u kala waa-wayn yihiin.
  3. Sawirida naflaydu waxay ka mid tahay dambiyada waa-wayn.
  4. Xikmadaha loo xarimay sawirida waxaa ka mida inay shabahdo Ilaahay khalqigiisa, waana isku mid haduu uga jeedo kan wax sawirayaa u ekeysiin ama yaanu uga jeedine.
  5. Shareecada Islaamku waxay ku dadaashay ilaalinta maalka iyadoo laga faa'iidaysanayo, ka dib marka laga fogeeyo wixii xaaraan ah.
  6. Waxaa la reebay in la sameeyo sawirada wixii naflay ah qaabkay doontaba ha ahaatee, xataa hadii ay tahay wax la liido.