+ -

عَنِ ابْنِ عَبَّاسٍ رضي الله عنهما:
أَنَّ رَجُلًا أَتَى النَّبِيَّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ، فَكَلَّمَهُ فِي بَعْضِ الْأَمْرِ، فَقَالَ: مَا شَاءَ اللهُ وَشِئْتَ، فَقَالَ النَّبِيُّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ: «أَجَعَلْتَنِي لِلَّهِ عَدْلًا؟ قُلْ: مَا شَاءَ اللهُ وَحْدَهُ».

[إسناده حسن] - [رواه ابن ماجه والنسائي في الكبرى وأحمد]
المزيــد ...

Cabdullaahi Binu Cabaas-Allaha ka raali noqdo isaga iyo Aabihiye:
Wuxuu yiri: nin ayaa u yimid Nabiga-naxariis iyo Nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuuna kala hadlay Arimo, wuxuuna yiri: waxa Ilaahay doono adiguna doonto, wuxuu yiri Nabigu-naxariis iyo Nabadi korkiisa ha ahaatee-: "ma Ilaahay ayaad ila sintay? waxaad dhahdaa: waxa Ilaahay doono."

Xadiis Isnaadkiisu Xasan yahay. - Waxa wariyay Axmed.

Sharaxaad

Nin ayaa u yimid Nabiga-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuuna kala hadlay arin uu rabay, ka dibna wuxuu yiri: ''waxa Ilaahay doono adna aad doontid'', Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee, wuu ku diiday wuxuuna u sheegay in doonista Ilaahay oo lagu xiriiriyo doonista makhluuqa oo loo dhaxaysiiyo xarafka waaw ay tahay shirkiga yar, oo aysan u banaanayn qof muslim ah inuu ku hadlo. Nabigu scw ka dib wuuu u sheegay hadalka xaqa ah kaasoo ah: ''maashaa Allaah waxdahu'', oo doonista Ilaahay waa kali yeelayaa oo doonis cid kalae lagu xiririn maayo nooc ay tahayba.

Tarjamada: Ingriisi Urduu Luqadda isbaanishka Indooniisi Luqadda iigoorka Luqadda bengaaliga Faransiis Luqadda turkiga. Ruush Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda hindida Luqadda shiinaha Luqadda faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda tajaluga Luqadda kurdiga Luqadda hawsaha Luqadda boorta qiiska Luqadda sawaaxiliga Luqadda bushtuuga Luqadda asaamii Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Luqadda yuruuba Luqadda dariya
Bandhigga tarjamada.

Faa,iidooyinka xaddiiska laga faa,iidaysanayo waxaa kamid ah.

  1. Waxaa la reebey hadalka: waxa Ilaahay doono adna aad doontid, iyo hadalada la midka ah, ee Ilaahay rabitaankiisa lagu dhafayo tan adoonka iyado loo dhaxaysiinayo xarafka waaw, waayo waa shirki yar.
  2. Waa waajib in la diido munkar ka.
  3. Rasuulka Ilaahay -naxariis iyo abadi orkiisa ha ahaate- wuu ilaaliyey towxiidka xuduudiisa, wuxuuna awday jidka shirkiga.
  4. Marka la diido waxa munkarka ah waxaa fiican in qofka la tuso wax fiican oo badal ah, iyado lagu dayanayo Nabiga scw.
  5. Waxaa lagu midaynayaa hadalka Nabiga scw -ee ku soo arooray xadiiskan ee ah: "waxa Ilaahay doono kaligi", iyo hadalkiisa kale ee ku soo arooray xadiis kale ee ah: "dheh: waxa Ilaahay doono ka dibna aad doontid", hadalka qofka ee ah: "Waxa Ilaahay doono ka dibna adigu doontid" waa hadal banaan, laakiin hadalka Nabiga ee ah: "waxa Ilaahay uu doono kaligi" ayaa ka fadli badan.
  6. Wuu banaan yahay inaad dhahdo: "waxa Ilaahay doono ka dibna aad doontid" laakiin waxaa ka fadli badan hadalka ah: "maa shaa Allaah kaligi".