+ -

عَنْ عَائِشَةَ أُمِّ المؤمنين رضي الله عنها قَالَتْ:
كَانَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ إِذَا اغْتَسَلَ مِنَ الجَنَابَةِ، غَسَلَ يَدَيْهِ، وَتَوَضَّأَ وُضُوءَهُ لِلصَّلاَةِ، ثُمَّ اغْتَسَلَ، ثُمَّ يُخَلِّلُ بِيَدِهِ شَعَرَهُ، حَتَّى إِذَا ظَنَّ أَنَّهُ قَدْ أَرْوَى بَشَرَتَهُ، أَفَاضَ عَلَيْهِ المَاءَ ثَلاَثَ مَرَّاتٍ، ثُمَّ غَسَلَ سَائِرَ جَسَدِهِ، وَقَالَتْ: كُنْتُ أَغْتَسِلُ أَنَا وَرَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ مِنْ إِنَاءٍ وَاحِدٍ، نَغْرِفُ مِنْهُ جَمِيعًا.

[صحيح] - [رواه البخاري]
المزيــد ...

Caa'isha, Mu'uminiinta Hooyadood -Allaha ka raali ahaadee-waxay tiri:
Rasuulka Ilaahay-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- markuu janaabo ka qabaysanayo wuxuu dhiqi jiray gacmihiisa, wuxuuna u wayso qaadan jiray sida salaada uu ugu wayso qaato, ka dibna wuu qubaysan jiray, isagoo faraha dhex galinaya timihiisa ilaa uu jirkiisa biyaha wada gaarsiiyo, saddex jeer ayuu biyaha isku shubi jiray, ka dibna jirkiisa kale dhan ayuu dhaqi jiray, waxay tiri- Caa'isha-: aniga iyo Rasuulka weel kaliya ayaan ku wada qubaysan jirnay, oo aan labadayadu kawada darsan jirnay biyaha.

Xadiis Saxiix ah. - Xadiis la isku waafaqay

Sharaxaad

Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- markuu rabo inuu janaabo ka qabaysto, wuuu ku bilaabi jiray inuu gacmaha dhaqo. Ka dibna wuu wayso qaadanayey sida waysada salaada, ka dibna biyaha ayuu jirkiisa gaarsiin jiray, ka dibna gacmaha ayuu timaha madaxa dhex galin jiray, ilaa uu i dhoho biyuhu waa gaareen timaha salkooga, jirkuna waa ka dhergay biyaha, saddex jeerbuu madaxiisa biyaha ku shubaayey, ka dibna jirkiisa kale ayuu dhaqi jiray. Waxay tiri Caa'isha-Allaha ka raali ahaadee-Aniga iyo Rasuulka scw ayaa weel kali ah ku wada qubaysanaynay, oo biyaha ka wada darsanaynay.

Tarjamada: Ingriisi Urduu Luqadda isbaanishka Indooniisi Luqadda iigoorka Faransiis Luqadda turkiga. Ruush Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda hindida Luqadda shiinaha Luqadda faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda kurdiga Luqadda hawsaha Luqadda boorta qiiska Luqadda talgu Luqadda sawaaxiliga Luqadda taylandiga Luqadda bushtuuga Luqadda asaamii Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Luqadda yuruuba Luqadda dariya
Bandhigga tarjamada.

Faa,iidooyinka xaddiiska laga faa,iidaysanayo waxaa kamid ah.

  1. Qubaysigu waa labo nuuc: mid uu ku ansaxayo qubaysku iyo mid kaamil ah, kan uu ku ansaxaayo waa in qofku niyeysto dahaaro ka dibna uu jirkiisa wada gaarsiiyo biyaha isagoo luqluqanaaya oo san daarsanaya, Qubayska kaamilka ahna waa inuu u qubaysto sida Nabigu scw u qubaystay ee ku soo aroortay xadiiskaan.
  2. Waxaa la dhahaa janaabo qof kastoo biyaha shahwadu ka yimaadaan, ama galmo sameeya walow yaanu biyaba ka imane.
  3. Way banaan tahay inay ninka iyo xaaskiisu cawradooda is eegaan, kuna wada qubaystaan weel kaliya.