+ -

عن أبي هريرة قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم:
«حَقٌّ عَلَى كُلِّ مُسْلِمٍ أَنْ يَغْتَسِلَ فِي كُلِّ سَبْعَةِ أَيَّامٍ يَوْمًا، يَغْسِلُ فِيهِ رَأْسَهُ وَجَسَدَهُ».

[صحيح] - [متفق عليه]
المزيــد ...

Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahay ayaa yiri:
" Waxaa muslim kasta xaq ku ah, inuu qubaysto toddobadii maalmoodba maalin, oo dhaqo madaxiisa iyo jidhkiisoo dhan".

Xadiis Saxiix ah. - Xadiis la isku waafaqay

Sharaxaad

Rasuulku scw wuxuu sheegay inay xaq sugan ku tahay qofkastoo muslima qaan gaara, caaqila, inuu qubaysto todobada bari ee usbuuca maalin, oo uu maalintaa uu dhaqo madaxiisa iyo dhamaan jirkiisa, isagoo ka doonaya nadaafad iyo dahaaro, waxaana maalmaha ugu haboon maalinta Jumcaha, sida laga fahmayo riwaayadaha qaarkood, qubayska maalinta jumcaha salaada ka hor waa suno aad loo adkeeyey, xataa haduuba qubaystay khamiistii tusaale ahaan, waxaana waajibnimada ka leexiyey, hadalkii Caa'isha-Allaha ka raali ahaade-: "Waxay ahaayeen dadku kuwo shaqooyinkooda ku jira, markay salaada jumcada tagayaana sidoodaa ayey ku tagayeen, waxaana lagu yiri: hadaad soo qubaysan la haydeen", bukhaari ayaa wariyey, riwaayad kale oo bukhaari leeyahay waxay ahayd: "waxay dadku la haayeen shiir " waana shiirka dhididka iyo wixii la mida, sidaasoo ay tahay waxaa lagu yiri: " hadaad soo qubaysan lahaydeen", dadka kalena waa kaga sii haboon yihiin.

Tarjamada: Ingriisi Urduu Indooniisi Luqadda iigoorka Luqadda bengaaliga Luqadda turkiga. Luqadda Sanhaaliga Luqadda hindida Luqadda fiitnaam Luqadda hawsaha Luqadda Malayalam Luqadda talgu Luqadda sawaaxiliga Luqadda boomiyaanka Luqadda taylandiga Luqadda bushtuuga Luqadda asaamii Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda hoolandiga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Luqadda yuruuba Luqadda Liitawaaniga Luqadda dariya
Bandhigga tarjamada.

Faa,iidooyinka xaddiiska laga faa,iidaysanayo waxaa kamid ah.

  1. Islaamku ahmiyad iyo dhawrid ayuu siiyey nadaafada iyo dahaarada.
  2. Maalinta jumcada in loo qubaysto salaada waa suno la hubo.
  3. Hadii jirka la xuso waxaa soo galaya madaxa hadana si gaara ayaa loo xusay ahmiyadiisa awgeed.
  4. Waxaa waajib ku ah inuu qubaysto qofkastoo leh shiir dadku dhibsanayaan.
  5. Qubeysku waxuu sii muhiim yahay maalinta jumcaha, fadliga uu leeyahay maalinkaasi dartii.