+ -

عن أبي هريرة رضي الله عنه أن رسول الله صلى الله عليه وسلم قال:
«أَتَدْرُونَ مَا الْغِيبَةُ؟»، قَالُوا: اللهُ وَرَسُولُهُ أَعْلَمُ، قَالَ: «ذِكْرُكَ أَخَاكَ بِمَا يَكْرَهُ»، قِيلَ: أَفَرَأَيْتَ إِنْ كَانَ فِي أَخِي مَا أَقُولُ؟ قَالَ: «إِنْ كَانَ فِيهِ مَا تَقُولُ فَقَدِ اغْتَبْتَهُ، وَإِنْ لَمْ يَكُنْ فِيهِ فَقَدْ بَهَتَّهُ».

[صحيح] - [رواه مسلم]
المزيــد ...

Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey in Rasuulka Ilaahay scw. yiri:
"Ma taqaanaan xantu waxey tahay? ", waxay dheheen asaxaabtii: Ilaahay iyo Rasuulkiisaa naga og, wuxuu yiri: " waa adigo walaalkaa wuxuu dhibsanaayo ku sheega, ", waxaa lagu yiri: ka waran haduu leeyahay walaalkay waxa aan ku sheegay? wuxuu ku yiri: " "haduu leeyahay waxaad, ku sheegtay waad xamatay haduusan lahayn waxaad ku sheegtayna waad hafaryeysay.

Xadiis Saxiix ah. - Waxa wariyay Muslim.

Sharaxaad

Nabigu scw. wuxuu cadeeyey xaqiiqada xanta la xarrimay oo ah: in lagu sheego qofka muslimka ee maqan wax uu dhibsaonayo, waxaasi ha ahaadaan sifooyinkiisa Ilaahay ku abuurkay ama kuwo dhaqankiisa ah sida: cawar, khaa'in, beenaale, iyo wixii lamida, ee ereyo cay ah, xataa haduu leeyahay sifadaa lagu shegay.
hadaanu lahayn waxaa lagu sheegayo taasi wayba ka sii dambi wayn tahay xanta, oo waaba been abuur, dadka lugu been abuuranayo wax aanay ahayn.

Tarjamada: Ingriisi Urduu Luqadda isbaanishka Indooniisi Luqadda iigoorka Luqadda bengaaliga Faransiis Luqadda turkiga. Ruush Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda hindida Luqadda shiinaha Luqadda faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda tajaluga Luqadda kurdiga Luqadda hawsaha Luqadda boorta qiiska Luqadda Malayalam Luqadda talgu Luqadda sawaaxiliga Luqadda taymelka Luqadda boomiyaanka Luqadda taylandiga Luqadda jarmalka Luqadda jabbaaniiska Luqadda bushtuuga Luqadda asaamii Luqadda Albaaniya Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda hoolandiga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Luqadda yuruuba Luqadda Liitawaaniga Luqadda dariya Luqadda serbiga Luqadda daajiika Luqadda kiniya ruwadiga
Bandhigga tarjamada.

Faa,iidooyinka xaddiiska laga faa,iidaysanayo waxaa kamid ah.

  1. Nabigu scw si fiican ayuu wax u baray, waayo masalada wuxuu u soo jeediyaa sida suaal oo kale.
  2. Asaxaabtu aadaab fiican ayey Nabiga scw kula dhaqmeen markay yiraahdeen: Ilaahay iyo Rasuulkiisaa og.
  3. Qofkii la waydiiyo wax uusan aqoon wuxuu oronayaa: Ilaahay ayaa og.
  4. Shareecadu way dar yeeshay bulshada iyada oo ilaalisay xuquuqda iyo walaaltinimada u dhexaysa.
  5. Xantu waa xaaraan marka laga reebo xaalado qaarkood oo maslaxo ku jirto, waxaana ka mida: joojinta dulmiga, isaga oo dhibbanuhu sheego ka dulmiyay, una sheego cida awooda u leh inay xaqiisa uga qaado, wuxuu dhahaya: hebel baa i dulmiyey, ama waxaas iyo waxaas buu igu sameeyey, waxa kaloo ka mida: talo siinta qof guur kaala tashaday iyo shuraako ama la darsid iyo wixii la mida.