+ -

عن عبد الله بن مسعود رضي الله عنه قال: سمعت رسول الله صلى الله عليه وسلم يقول:
«إنَّ الرُّقَى والتَمائِمَ والتِّوَلَةَ شِرْكٌ».

[صحيح] - [رواه أبو داود وابن ماجه وأحمد] - [سنن أبي داود: 3883]
المزيــد ...

Cabullaahi Binu Mascuud Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay scw ayaan ka maqlay isagoo dhahaya:
" Ku tufida, qardhaasta, iyo madiidadu waa shirki."

[Xadiis Saxiix ah] - [Waxaa wariyay Abuu Daa'uud Ibnu Maajah iyo Axmed] - [Sunan Abii Daa'uud - 3883]

Sharraxaad

Nabigu scw wuxuu cadeeyey waxyaabo samayntoodu tahay shirki waxaana ka mida:
Tan koobaad: waa hadalkii ay isku dawayn jireen dadkii waqtigii jaahiliga, kaasoo ka koobnaa waxyaabo shirki ah.
Tan labaad: qardhaasta oo ah wax taxan oo kale, taasoo loo xiro caruurta, xoolaha iyo qayrkoodba iyado laga ilaalinayo isha.
Tan saddexaad: madiidaynta: waa wax loo sameeyo labada qof ee is qabta mid in la jeclaysiiyo kan kale.
Arimahaasi waxay ka mid yihiin shirkiga, dad ayaa sabab ka dhigaya, mana aha sabab sharciya oo daliil ku sugnaatay, mana aha sabab xisi ah oo khibrad ku sugnaatay. Asbaabta shirciga ah sida akhrinta Qur'aanka, ama asbaabta xisiga ah sida daawada khibrada lagu ogaaday, way banaan tahay iyado la rumaysan yahay inay tahay asbaab uun, nafaca iyo dhibkuna Ilaahay gacantiisa ku jiraan.

Tarjumada: Engriisi Urduu Isbaanish Indunuusi Luqadda iigoorka Luqadda Bengaaliga Faransiis Luqadda Turkiga. Ruush Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda Hindida Luqadda Shiinaha Luqadda Faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda Tajaluga Kurdiga Hawsaha Boortaqiis Malayaalim Telgoo Sawaaxili Taymaali Boorma Taylaand Jarmal Japan Luqadda bushtuuga Asaami Albaani Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda hoolandiga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Yorba Luqadda Liitawaaniga Luqadda dariya Luqadda serbiga Luqadda daajiika Ruwanda Luqadda roomaaniya Luqadda hangeriga Luqadda jeegga الموري Malgaashi Talyaani Oromo Luqadda kinaadiga الولوف البلغارية Adrabijaan Luqadda usbiika Luqadda yukreyn الجورجية اللينجالا المقدونية
Bandhigga tarjumada.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Waa in towxiidka iyo caqiidada laga ilaaliyo wixii dhaawacaya.
  2. waa la xarimay in la isticmaalo tufida shirkiga ah, qardhaasta iyo madiidada.
  3. Dad ayaa citiqaadsan in saddexdaasi yihiin asbaab: waana shirki yar, waayo wax aan sabab ahayn ayuu sabaab ka dhigay, haduuse aamino inay naf ahaanteedu leedahay nafac iyo dhib taasi waa shirki wayn.
  4. Waxaa laga digayaa asbaabta shirkiga keenaya iyo kuwa xaaraanta ah.
  5. Tufida shirkiga ahi waa xaaraan waxayna ka mid tahay shirkiga inta sharciga ah maahee.
  6. Waxaa haboon in qalbigu ku xiran yahay Ilaahay kaligii, dhibka iyo dheeftuba isaga kaligi ayey ka yimaadaan, cibaadada cid la wadaagtaa majirto, khayrka cid aan isaga ahayni makeento, sharkana cid aan isaga ahayni ma ciliso.
  7. Tufida banaan waxay ka kooban tahay saddex shardi: 1- in qofku citiqaado inay sabab uun tahay oo Ilaahay idankii uun wax ku tartayso 2- waa inay tahay Qur'aan, magacyada Ilaahay, sifaadkiisa, ducooyinkii Nabiga iyo ducooyinka sharciga ah, 3- inay tahay luqad la fahmaayo oo lahayn erayo aan la fahmayn iyo khuraafaad.