+ -

عن عمرو بن شُعيب عن أبيه عن جدِّه قال: قال رسولُ الله صلى الله عليه وسلم:
«مُرُوا أولادكمِ بالصلاةِ وهم أبناءُ سبعِ سِنينَ، واضرِبوهم عليها وهم أبناءُ عَشرٍ، وفرِّقوا بينهم في المَضاجِعِ».

[حسن] - [رواه أبو داود]
المزيــد ...

Camar Binu Shuceyb wuxuu Aabihii ka wariyey Aabihiina awowgi ka wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu yiri:
"Fara caruurtiina salaadda markay gaaraan toddoba sano, kuna garaaca haday ka tagaan salaadda iyagoo toban jir ah, una kala duwa meesha ay seexanayaan."

Xadiis Saxiix ah. - Waxaa wariyay At-tirmidi

Sharaxaad

Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu cadeeyey inay waajib ku tahay Aabaha inuu amro caruurtiisa wiilal iyo gabdho salaadda, markay da'ada gaaraan toddoba sano, oo uu baro caruurta siday u takan lahaayeen. markay gaaraan toban sano wuxuu ugu darayaa, inuu ku garaaco hadday ka gaabiyaan salaada, waana in loo kala duwo firaashka ay ku seexanayaan.

Tarjamada: Ingriisi Urduu Luqadda isbaanishka Indooniisi Luqadda iigoorka Luqadda bengaaliga Faransiis Luqadda turkiga. Ruush Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda hindida Luqadda shiinaha Luqadda faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda tajaluga Luqadda kurdiga Luqadda hawsaha Luqadda boorta qiiska Luqadda sawaaxiliga Luqadda bushtuuga Luqadda asaamii Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Luqadda yuruuba Luqadda dariya
Bandhigga tarjamada.

Faa,iidooyinka xaddiiska laga faa,iidaysanayo waxaa kamid ah.

  1. waa in carruurta yar-yar la baro diinta intayna qaan gaarin, waxaana ugu muhiimsan salaada.
  2. Garaaciddu waa edbinta, ee maaha ciqaab, waa in garaacidu noqotaa mid ku haboon xaalada caruurta.
  3. shareecada islaamku way ilaalisay sharafka qofka, wayna xidhay waddo kastoo fasaad uga iman karo.