عن بريدة رضي الله عنه قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم:
«إِنَّ الْعَهْدَ الَّذِي بَيْنَنَا وَبَيْنَهُمُ الصَّلَاةُ، فَمَنْ تَرَكَهَا فَقَدْ كَفَرَ».

[صحيح] - [رواه الترمذي والنسائي وابن ماجه وأحمد] - [سنن النسائي: 463]
المزيــد ...

Burayda Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri:e
"Balanta u dhaxaysa inaga iyo iyaga waa Salaada, Qofkii ka tagaana wuu Gaaloobay".

[Xadiis Saxiix ah] - [waxaa wariyey tirmidi,nasaa.i,ibn maajah,Axmad] - [Sunan An-nisaa'i - 463]

Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey in balanta iyo heshiiska u dhaxaysa Muslimiinta, Gaalada iyo Munaafiqiinta uu yahay Salaada, qofkii Salaada ka tagaana uu Gaaloobay.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Xadiiska waxaa ku sugan weynida xaalka Salaada, waayo iyadaa kala saarta Muuminka iyo Gaalka.
  2. Axkaanta Islaamka Qofka waxaa loo qaban wixii ka muuqda xaalkiisa kore ee uurkiisa looma eegayo.
Bandhigga tarjumada.
Tarjumada: Engriisi Urduu Isbaanish dheeraad/kordhin (57)