عن ابن عباس رضي الله عنهما قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم:
«من اقتبَسَ علْمًا مِنَ النُّجُومِ اقْتبَسَ شُعبَة مِن السِّحرِ، زادَ ما زادَ».
[صحيح] - [رواه أبو داود وابن ماجه وأحمد] - [سنن أبي داود: 3905]
المزيــد ...
Ibnu Cabaas Allaha ka raali ahaado isagiyo Aabihiye waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri:
"Qofka ka dab qaata wax cilmiga xidigaha ka mida wuxuu ka dab qaatay qayb sixirka ka mida, wuxuu doono ha ku darsado".
[Xadiis Saxiix ah] - [Waxaa wariyay Abuu Daa'uud Ibnu Maajah iyo Axmed] - [Sunan Abii Daa'uud - 3905]
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey in qofka wax ka barta ee ka qaata cilmiga xidigaha iyo abraajta dadka looga faaliyo kaasoo ay u daliishanayaan socodka xidigaha, soobixidooda iyo dhicidooda wax yaabaha dhulka ka dhacaya sida dhimashada qofka, noloshiisa, jiradiisa, iyo wixii la mid ah ee mustaqbalka dhici doona, qofkaasi wuxuu bartay qayb ka mid ah sixirka, mar walba oo uu sii bartana sixir buu sii badsanayaa.