عن جابرٍ رضي الله عنه قال: سمعت النبي صلى الله عليه وسلم يقول:
«إِنَّ بَيْنَ الرَّجُلِ وَبَيْنَ الشِّرْكِ وَالْكُفْرِ تَرْكَ الصَّلَاةِ».
[صحيح] - [رواه مسلم] - [صحيح مسلم: 82]
المزيــد ...
Jaabir Binu Cabdullaahi Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: waxaan ka maqlay Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee isagoo dhahaya:
"Ninka iyo Shirkiga iyo Gaalnimada waxaa u dhexeeya Salaada oo uu ka tago".
[Xadiis Saxiix ah] - [Waxa wariyay Muslim] - [Saxiix Muslim - 82]
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ka digay in laga tago Salaada faralka ah, wuxuuna sheegay in ninku ku dhoco Sharki iyo Kufri ay ka xigto inuu Salaada ka tago, Salaadu waa tiirka labaad ee tiirarka Islaamka, maqaamkeeduna wuu ku weyn yahay Islaamka, Qofka iskaga taga isagoo inkirsan waajib ahaanteeda Muslimiintu way isku raacsan yihiin inuu Gaaloobay, Qofka uga taga Salaada wahsi iyo fudaydsi wuu Gaaloobay, inay Asaxaabtu sidaa isku raacday baana la soo wariyey, haduu waqtiyada qaarna tukanaayo qaarna iska daynaayo wuxuu khatar ugu jiraa goodigaas adag.