عَنْ أَبِي حُمَيْدٍ أَوْ عَنْ أَبِي أُسَيْدٍ قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ:
«إِذَا دَخَلَ أَحَدُكُمُ الْمَسْجِدَ فَلْيَقُلِ: اللَّهُمَّ افْتَحْ لِي أَبْوَابَ رَحْمَتِكَ، وَإِذَا خَرَجَ فَلْيَقُلِ: اللَّهُمَّ إِنِّي أَسْأَلُكَ مِنْ فَضْلِكَ».
[صحيح] - [رواه مسلم] - [صحيح مسلم: 713]
المزيــد ...
Abii Xamiid ama Abii Usayd waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri:
"Hadii midkiin soo galo masaajidka ha dhoho: Allahayow iifur Albaabada Naxariistaada, haduu baxayana ha dhoho: Allahayow waxaan ku waydiisanayaa Fadligaaga ".
[Xadiis Saxiix ah] - [Waxa wariyay Muslim] - [Saxiix Muslim - 713]
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ku booriyey Ummaddiisa ducada la oranaayo marka Masaajidka la soo galayo:(Allahayow ii fur Albaabada Naxariistaada), oo Ilaahay la waydiisto inuu u diyaariyo asabaabta lagu helo Naxariistiisa, markuu Qofku damco inuu ka boxo Masaajidkana uu dhoho: (Allahayow waxaan ku waydiisanayaa Fadligaaga), oo Ilaahay uu waydiisto Fadligiisa uuna u siyaadiyo ixsaankiisa ay ka mid tahay irsaaqada xalaasha ah.