عَنْ ‌أَبِي قَتَادَةَ السَّلَمِيِّ رضي الله عنه أَنَّ رَسُولَ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ:
«إِذَا دَخَلَ أَحَدُكُمُ الْمَسْجِدَ فَلْيَرْكَعْ رَكْعَتَيْنِ قَبْلَ أَنْ يَجْلِسَ».

[صحيح] - [متفق عليه] - [صحيح البخاري: 444]
المزيــد ...

Abii Qataada Alsalami Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee inuu yiri:
"Hadii midkiin soo galo Masaajidka ha tukado labo Rakcadood, intaanu fariisan".

[Xadiis Saxiix ah] - [Xadiis la isku waafaqay] - [Saxiix AlBukhaari - 444]

Sharraxaad

Wuxuu ku booriyey Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee Qofka soo gala Masaajid waqtigay doontaba ha ahaatee iyo ujeedaduu doonaba ha u soo galee, inuu tukado labo Rakcadood, intaanu fariisan, waana labada Rakcadood ee Taxiyatul Masjidka.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Waxaa Suno ah in la tukado labo Rakcadood oo Taxiyatul Masjidka intaan la fariisan.
  2. Labada Rakcadood waxaa laga rabaa waa Qofka doonaya inuu Masaajidka fariisto, Qofkase soo gala ee ka baxa intaanu fariisan ma soo galayo amarkaas.
  3. Haduu Qofku soogalo Masaajidka dadkuna Salaada ku jiraan oo uu la galo Salaada, way kaga filan tahay labadii Rakcadood.
Bandhigga tarjumada.
Tarjumada: Engriisi Urduu Isbaanish dheeraad/kordhin (57)