+ -

عَنْ ‌مَحْمُودِ بْنِ لَبِيدٍ رضي الله عنه:
أَنَّ ‌عُثْمَانَ بْنَ عَفَّانَ أَرَادَ بِنَاءَ الْمَسْجِدِ فَكَرِهَ النَّاسُ ذَلِكَ، وَأَحَبُّوا أَنْ يَدَعَهُ عَلَى هَيْئَتِهِ، فَقَالَ: سَمِعْتُ رَسُولَ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ يَقُولُ: «مَنْ بَنَى مَسْجِدًا لِلهِ بَنَى اللهُ لَهُ فِي الْجَنَّةِ مِثْلَهُ».

[صحيح] - [متفق عليه] - [صحيح مسلم: 533]
المزيــد ...

Maxamud Binu Labiid Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey:
Cusmaan Binu Cafaan ayaa damcay inuu Masaajidka dhiso, dadkiina way dhib sadeen arinkaa, oo waxay jeclaysteen inuu sidiisa u daayo, wuxuuna yiri: waxaan ka maqlay Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee isagoo dhahaya: "qofka Ilaahay darti Masaajid u dhisa isagana Ilaahay ayaa Janada uga dhisa mid la mid ah".

[Xadiis Saxiix ah] - [Xadiis la isku waafaqay] - [Saxiix Muslim - 533]

Sharraxaad

Cusmaan Binu Cafaan-Allaha ka raali ahaadee- wuxuu damcay inuu dib u dhiso Masaajidka Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, qaab ka wanaagsan qaabkii hore, dadkii ayaase dhibsaday arinkaa, waayo waxaana ku jira in la badalo qaabkii loo dhisay Masjidka waqtigii Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, wuxuuna ka dhisnaa Masaajidku Bulukeeti, Saqafkiisuna wuxuu ahaa laamaha Timirta, laakiin Cusmaana wuxuu damcay inuu ka dhiso Dhagax iyo Nuurad, wuxuu Cusmaan sheegay inuu ka maqlay Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee isagoo dhahaya: Qofka Msaajid dhisa, isagoo raali ahaanshaha Ilaahay ku doonaya, is tustus iyo magac doona ka ahayn, Ilaahay wuxuu ku abaal marinayaa abaal marinta ugu fadliga badan oo nuuca camalkiisa ah, kaaso ah in Ilaahay uga gadhisayo Janada mid la mida.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Waxaa la isku booriyey in Masaajida la dhiso iyo arinkaasi fadliga uu leeyahay.
  2. Balaarinta Masaajidka iyo cusboonaysiintiisu waxay soo galayaan fadliga dhismaha Masajidka.
  3. Acmaasha oo dhan in Ilaahay loo khaalis yeelo ahmiyad ayey leedahay.
Tarjumada: Engriisi Urduu Indunuusi Luqadda iigoorka Luqadda Bengaaliga Luqadda Turkiga. Ruush Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda Hindida Luqadda Shiinaha Luqadda Faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda Tajaluga Kurdiga Hawsaha Boortaqiis Malayaalim Telgoo Sawaaxili Taymaali Boorma Taylaand Jarmal Luqadda bushtuuga Asaami Albaani Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda hoolandiga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Yorba Luqadda Liitawaaniga Luqadda dariya Luqadda serbiga Ruwanda Luqadda roomaaniya Luqadda hangeriga Luqadda jeegga الموري Malgaashi Talyaani Oromo Luqadda kinaadiga الولوف Adrabijaan Luqadda yukreyn الجورجية المقدونية
Bandhigga tarjumada.