+ -

عَنْ أَنَسِ بْنِ مَالِكٍ رضي الله عنه قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ:
«سَوُّوا صُفُوفَكُمْ، فَإِنَّ تَسْوِيَةَ الصَّفِّ مِنْ تَمَامِ الصَّلَاةِ».

[صحيح] - [متفق عليه] - [صحيح مسلم: 433]
المزيــد ...

Anas Binu Maalik Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: wuxuu yiri Rasuulka Ilaahay naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate-:
"Sima sufuuftiina, safka oo la simo salaada dhamaystirkeeda ayey ka mid tahay."

[Xadiis Saxiix ah] - [Xadiis la isku waafaqay] - [Saxiix Muslim - 433]

Sharraxaad

Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatree- wuxuu dadka tukanaaya faray inay simaan safka, oo qaarba qaarka kale aanay ka horayn, simada safkuna waxay ka mid tahay salaada dhamaystirkeeda iyo kaamilnimadeeda, safka qaloocintiisuna waa khalad iyo nusqaan salaada lagu sameeyey.

Tarjumada: Engriisi Urduu Isbaanish Indunuusi Luqadda iigoorka Luqadda Bengaaliga Faransiis Luqadda Turkiga. Ruush Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda Hindida Luqadda Shiinaha Luqadda Faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda Tajaluga Kurdiga Hawsaha Boortaqiis Malayaalim Telgoo Sawaaxili Taylaand Luqadda bushtuuga Asaami Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda hoolandiga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Yorba Luqadda dariya Luqadda roomaaniya Malgaashi Oromo
Bandhigga tarjumada.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Waa sharci in la ilaaliyo wax walba oo ka mida salaada dhamaystirkeeda oo ka fogaynaya wixii nuqsaan ah.
  2. Waxaa xaddiiska laga dheehanayaa xikmaddii Nabiga -naxariis iyo nabadi korkiiye-ee xaga wax baritaanka, isagoo xukunka uu sheegay raaciyey sobobtiisa, si ay ugu caddaato dadka xikmadda sharciyeyntiisa, naftuna ugu hogaan santo si fir-fircooni ku jirto.