+ -

عَنْ عَائِشَةَ أُمِّ المؤمنين رضي الله عنها:
أَنَّ أُمَّ سَلَمَةَ ذَكَرَتْ لِرَسُولِ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ كَنِيسَةً رَأَتْهَا بِأَرْضِ الْحَبَشَةِ، يُقَالُ لَهَا مَارِيَةُ، فَذَكَرَتْ لَهُ مَا رَأَتْ فِيهَا مِنَ الصُّوَرِ، فَقَالَ رَسُولُ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ: «أُولَئِكَ قَوْمٌ إِذَا مَاتَ فِيهِمُ الْعَبْدُ الصَّالِحُ، أَوِ الرَّجُلُ الصَّالِحُ، بَنَوْا عَلَى قَبْرِهِ مَسْجِدًا، وَصَوَّرُوا فِيهِ تِلْكَ الصُّوَرَ، أُولَئِكَ شِرَارُ الْخَلْقِ عِنْدَ اللهِ».

[صحيح] - [متفق عليه]
المزيــد ...

Caa'isha oo ahayd mu'uminiinta Hooyadood-Allaha ka raali ahaadee- waxaa laga soo wariyey:
Umu Salama waxay u sheeegtay Rasuulka Ilaahay -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- kaniisad ay ku aragtay dhulka xabashida, taasoo la dhoho: Maariya, waxayna u sheegtay Nabiga sawiro ay ku soo aragtay, wuxuu yiri Rasuulku -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahtaaee-: " kuwaasi waa duul markuu ka dhinto qof wanaagsani qabrigiisa ka dul dhista masaajid. wayna ku sawiraan sawiradaas, kuwaasi waa kuwa ugu sharka badan khalqiga Ilaahay".

Xadiis Saxiix ah. - Xadiis la isku waafaqay

Sharaxaad

Mu'uminiinta hooyadood ee umu Salama-Allaha ka raali ahaadee- waxay Nabiga u sheegtay-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-inay ku aragtay dhulkii xabashida kaniisad-la dhoho : - maariya-, oo ay ku jiraan sawiro iyo waxyaabo lagu qurxiyey! oo ay la yaabtay!. Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu cadeeyey sababaha ay sawiradaa u samaysteen: Waxuuna yidhi: kuwaa aad sheegaysid waxay ahaayeen, kuwo marka uu qof wanaagsani ka dhinto, qabrigiisa ka dul dhista masaajid ay ku tukadaan, sawirradaana way ku sawirayeen. Wuxuun cadeeyey, qofka waxaa sameeya inuu yahay kan ugu sharka badan khalqiga, waayo ficilkiisu wuxuu keenayaa, in Ilaahay loo shariig yeelo.

Tarjamada: Ingriisi Urduu Luqadda isbaanishka Indooniisi Luqadda iigoorka Luqadda bengaaliga Faransiis Luqadda turkiga. Ruush Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda hindida Luqadda shiinaha Luqadda faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda tajaluga Luqadda kurdiga Luqadda hawsaha Luqadda boorta qiiska Luqadda Malayalam Luqadda talgu Luqadda sawaaxiliga Luqadda taymelka Luqadda boomiyaanka Luqadda taylandiga Luqadda jabbaaniiska Luqadda bushtuuga Luqadda asaamii Luqadda Albaaniya Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Luqadda yuruuba Luqadda dariya
Bandhigga tarjamada.

Faa,iidooyinka xaddiiska laga faa,iidaysanayo waxaa kamid ah.

  1. Waa la xarimay in qabuuraha masaajid laga dul dhiso ama lagu tukado ama in masaajida maydka lagu aaso, iyadoo looga hortagayo inay dadku shirki ku dhacaan.
  2. In qubuuraha laga duldhiso masaajid oo sawiro la dhigo, waa camalka ay qabtaan yuhuuda iyo nasaaradu, qofka waxaa soo kale sameeyana iyaguu u ekaanayaa.
  3. Waa la xarimay in la sawiro wixii ruuxi ku jirto.
  4. Qofka ka duldhisa qabri masaajid ee sawiro ku dul sawira, waa kan ugu sharka badan khalqiga Ilaahay Isaga sareeye.
  5. Shareecadu waxay ilaalisay tawxiidka ilaalin buuxda, waxayna xirtay dhamaan meelaha ay ka imaan karaan wixii shirki keeni kara.
  6. Waxaa la reebay in lagu xad gudbo jacaylka dadka saalixiinta ah, waayo arinkaasi wuxuu keenayaa in shirki lagu dhoco.