عن ابنِ عَبَّاسٍ رضي الله عنهما عن النبيِّ صلى الله عليه وسلم قال:
«أُمِرْتُ أَنْ أَسْجُدَ عَلَى سَبْعَةِ أَعْظُمٍ: عَلَى الْجَبْهَةِ وَأَشَارَ بِيَدِهِ عَلَى أَنْفِهِ، وَالْيَدَيْنِ، وَالرُّكْبَتَيْنِ، وَأَطْرَافِ الْقَدَمَيْنِ، وَلَا نَكْفِتَ الثِّيَابَ وَالشَّعَرَ».
[صحيح] - [متفق عليه]
المزيــد ...
Ibnu Cabbaas-Allaha ka raali ahaadee- wuxuu Nabiga- ka wariyey-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- inuu yiri:
"Waxaa la i faray inaan ka sujuudo todoba lafood: wajiga, wuxuuna gacantiisa ku ishaaray sankiisa, gacmihiisa, labada law, faraha lugaha, oo aanaan aruurin oo celcelin dharka iyo timaha ".
Xadiis Saxiix ah. - Xadiis la isku waafaqay
Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu sheegay inuu Ilaahay amray markuu tukanaayo inuu ka sujuudo todoba xubnood oo jirka ka mida, waxayna yihiin:
Tan 1aad: wajiga: waana balaca wajiga ee sanka iyo indhaha ka sareeya. Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate- wuxuu ku ishaaray gacantiisa sankiisa, isagoo cadaynaaya wajiga iyo sanku inay hal xubin oo todobada ka mida yihiin, wuxuuna xoojinayaa in qofka sujuudsani sankiisa dhulka taabsiiyo.
xubinka 2aad iyo 3aad: waa labada gacmood.
xubinka 4aad iyo 5aad: waa labada law.
xubinka 6aad iyo 7aad: waa faraha labada Qadam.
Rasuulku wuxuu na amray inaan xirin timaheena, ama aanan aruurin dharkeena markaan dhulka ku sujuudayno anagoo ilaalinayna dharka, balse aan sii dayno ilaa ay dhulka ku dhacdo oo xubnaha la sujuudo.