عَنِ ابْنِ أَبِي أَوْفَى رضي الله عنه قَالَ:
كَانَ رَسُولُ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ إِذَا رَفَعَ ظَهْرَهُ مِنَ الرُّكُوعِ قَالَ: «سَمِعَ اللهُ لِمَنْ حَمِدَهُ، اللَّهُمَّ رَبَّنَا لَكَ الْحَمْدُ، مِلْءَ السَّمَاوَاتِ وَمِلْءَ الْأَرْضِ وَمِلْءَ مَا شِئْتَ مِنْ شَيْءٍ بَعْدُ».
[صحيح] - [رواه مسلم] - [صحيح مسلم: 476]
المزيــد ...
Ibni Abii Awfaa Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri:
Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ahaa haduu dhabarkiisa ka soo toosiyo Rukuuca, wuxuu dhihi jiray: "samica Allaahu liman xamidah, Allaahuma Rabanaa lakal-xamdu, mila'asamaawaati wa mila'al Ardi wa mila'a maa shi'ita min shay'in bacdahu."
Ilaahay wuu maqlaa Qofka u mahad naqa, Allahayow Rabigayow adaa mahad leh, intay samadu qaado, intuu dhulku qaado iyo muga waxaad adigu doonto oo dhan intaa ka dib".
[Xadiis Saxiix ah] - [Waxa wariyay Muslim] - [Saxiix Muslim - 476]
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee marka uu ka tooso Rukuucda Salaadda mid dhaha: "Ilaahay wuu maqlaa midka ku xamdiya ee u mahad naqa", oo macneheedu yahay: Qofka Ilaahay u mahad naqa Ilaahayna wuu aqbalaa mahad naqiisa wuuna ka ajar siiyaa, haddana Ilaahay ayuu u mahad naqayey isagoo dhahaya: "Allahayoow Rabigayoow aday mahadi kuu sugnaatay, inta samada iyo dhulku qaadaan, iyo intaa in ka badan oo waxaad doonto ah waxay qaadi karaan oo mahad ah aday kuu sugnaatay", mahad naq buuxiya samooyinka iyo dhulalka iyo inta u dhaxaysa, iyo waxa kale ee Illaahey doono mahad naq buuxiya.