عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رضي الله عنه قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ:
«أَسْوَأُ النَّاسِ سَرَقَةً الَّذِي يَسْرِقُ صَلَاتَهُ» قَالَ: وَكَيْفَ يَسْرِقُ صَلَاتَهُ؟ قال: «لَا يُتِمُّ رُكُوعَهَا، وَلَا سُجُودَهَا».
[صحيح] - [رواه ابن حبان] - [صحيح ابن حبان: 1888]
المزيــد ...
Abii Hureyra Allaha ka raali noqde waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri:
"Dadka waxaa u tuugo xun midka Salaadiisa xadaya" wuxuu yiri: sidee ayuu u xadin Salaadiisa? wuxuu yiri: "waa mid aan dhamaystirayn Rukuuceeda iyo Sujuudeeda".
[Xadiis Saxiix ah] - [Waxaa wariyay Ibnu Xibbaan] - [Saxiib Ibnu Xibbaan - 1888]
Nabigu wuxuu cadeeyey nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey in dadka midka ugu tuuganimo xuni uu yahay midka Salaadiisa xada, waayo kan Xoolo uusan laheyn xada waxaa dhici katra inuu Aduunka ku intifaaco, laakiin kan Salaaddiisa xadaya xaqii Naftiisa oo ajar iyo xasanaat ah ayuu xadayaa, waxay dheheen: Rasuulka Alloow, siduu Salaaddiisa u xadaa? wuxuu dhahay: uma dhammaystiro Rukuucdeeda iyo Sujuuddeeda, isagoo degdeg kula imanaaya Rukuucda iyo Sujuudadaba, sidii la rabeyna u lama imanayo.