+ -

عَنْ عُبَادَةَ بْنِ الصَّامِتِ رضي الله عنه أَنَّ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ:
«لَا صَلَاةَ لِمَنْ لَمْ يَقْرَأْ بِفَاتِحَةِ الكِتَابِ».

[صحيح] - [متفق عليه]
المزيــد ...

Cubaada Binu Saamit-Allaha ka raalli ahaadee-wuxuu ka wariyey Rasuulka Ilaahay-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-inuu yiri:
((Salaadi kama ansixin qofka aan Akhrin suuradda faatixada)) waa qofka aan imaam ku xirnayn, qofka imaamka ku xirtay oo waqti uu faatixada ku akhriyo ka gaari waayey ma khuseeyo xaddiisku.

Xadiis Saxiix ah. - Xadiis la isku waafaqay

Sharaxaad

Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu cadeeyey inay salaadi ansaxayn faatixada la'aanteed, waayo waa rukni ka mida arkaanta salaadda rakcad walba.

Tarjamada: Ingriisi Urduu Luqadda isbaanishka Indooniisi Luqadda iigoorka Faransiis Luqadda turkiga. Ruush Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda hindida Luqadda shiinaha Luqadda faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda tajaluga Luqadda kurdiga Luqadda hawsaha Luqadda boorta qiiska Luqadda sawaaxiliga Luqadda bushtuuga Luqadda asaamii Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Luqadda yuruuba Luqadda dariya
Bandhigga tarjamada.

Faa,iidooyinka xaddiiska laga faa,iidaysanayo waxaa kamid ah.

  1. Faatixada akhrinteeda wax kale kama gudi karaan qofka isagoo awooda inuu akhriyo iyada.
  2. Waa ka buraysaa rakcadda uusan faatixada ku Akhrin qofkii kas u sameeya ama kii aan ogayn ama illawsan, waayo waa rukni Arkaantana sina looma dhaafikaro.
  3. Faatixada akhrinteedu way ka dhacaysaa qofku hadduu imaamka ku soo gaaro rukuuca.