عَنْ عُبَادَةَ بْنِ الصَّامِتِ رضي الله عنه أَنَّ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ:
«لَا صَلَاةَ لِمَنْ لَمْ يَقْرَأْ بِفَاتِحَةِ الكِتَابِ».

[صحيح] - [متفق عليه] - [صحيح البخاري: 756]
المزيــد ...

Cubaada Binu Saamit-Allaha ka raalli ahaadee-wuxuu ka wariyey Rasuulka Ilaahay-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-inuu yiri:
((Salaadi kama ansixin qofka aan Akhrin suuradda faatixada)) waa qofka aan imaam ku xirnayn, qofka imaamka ku xirtay oo waqti uu faatixada ku akhriyo ka gaari waayey ma khuseeyo xaddiisku.

[Xadiis Saxiix ah] - [Xadiis la isku waafaqay] - [Saxiix AlBukhaari - 756]

Sharraxa

Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu cadeeyey inay salaadi ansaxayn faatixada la'aanteed, waayo waa rukni ka mida arkaanta salaadda rakcad walba.

Faa`iidooyinka Xaddiiska

  1. Faatixada akhrinteeda wax kale kama gudi karaan qofka isagoo awooda inuu akhriyo iyada.
  2. Waa ka buraysaa rakcadda uusan faatixada ku Akhrin qofkii kas u sameeya ama kii aan ogayn ama illawsan, waayo waa rukni Arkaantana sina looma dhaafikaro.
  3. Faatixada akhrinteedu way ka dhacaysaa qofku hadduu imaamka ku soo gaaro rukuuca.
Bandhigga Tarjamooyinka
Luuqadda: الإنجليزية الأوردية الإسبانية Siyaadin (56)