+ -

عن أَبِي حَازِمِ بْن دِينَارٍ:
أَنَّ رِجَالًا أَتَوْا سَهْلَ بْنَ سَعْدٍ السَّاعِدِيَّ، وَقَدِ امْتَرَوْا فِي الْمِنْبَرِ مِمَّ عُودُهُ، فَسَأَلُوهُ عَنْ ذَلِكَ، فَقَالَ: وَاللهِ إِنِّي لَأَعْرِفُ مِمَّا هُوَ، وَلَقَدْ رَأَيْتُهُ أَوَّلَ يَوْمٍ وُضِعَ، وَأَوَّلَ يَوْمٍ جَلَسَ عَلَيْهِ رَسُولُ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ، أَرْسَلَ رَسُولُ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ إِلَى فُلَانَةَ -امْرَأَةٍ من الأنصار قَدْ سَمَّاهَا سَهْلٌ-: «مُرِي غُلَامَكِ النَّجَّارَ أَنْ يَعْمَلَ لِي أَعْوَادًا أَجْلِسُ عَلَيْهِنَّ إِذَا كَلَّمْتُ النَّاسَ»، فَأَمَرَتْهُ فَعَمِلَهَا مِنْ طَرْفَاءِ الْغَابَةِ، ثُمَّ جَاءَ بِهَا، فَأَرْسَلَتْ إِلَى رَسُولِ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ، فَأَمَرَ بِهَا فَوُضِعَتْ هَاهُنَا، ثُمَّ رَأَيْتُ رَسُولَ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ صَلَّى عَلَيْهَا وَكَبَّرَ وَهُوَ عَلَيْهَا، ثُمَّ رَكَعَ وَهُوَ عَلَيْهَا، ثُمَّ نَزَلَ الْقَهْقَرَى، فَسَجَدَ فِي أَصْلِ الْمِنْبَرِ ثُمَّ عَادَ، فَلَمَّا فَرَغَ أَقْبَلَ عَلَى النَّاسِ فَقَالَ: «أَيُّهَا النَّاسُ، إِنَّمَا صَنَعْتُ هَذَا لِتَأْتَمُّوا وَلِتَعَلَّمُوا صَلَاتِي».

[صحيح] - [متفق عليه]
المزيــد ...

Abii Xaasim Binu Diinaar Allaha ka raali ahaade wuxuu yiri:
Rag ayaa u yimid Sahal Binu Sacad Alsaacidi Allaha ka raali ahaade iyagoo ku murmay geedka laga sameeyey mimbarka, taasyna waydiiyeen, wuxuu ku yiri: walaahi ma ogi waxa laga sameyey, waana joogay maalintii u horaysay ee la soo dhigay iyo maalintii u horaysay ee Nabigu scw ku fariistay, Nabigu wuxuu fartiin u diray gabadha hebla ah, waana gabar Ansaar ah oo Sahal magacaabay, oo Nabigu scw ku yiri: " u dir wiilkaaga Najaarka ah ha iiga sameeyo tiirar wax aan ku fariisto markaan dadka la hadlaayo", wayna u dirtay wuxuuna ka soo sameeyey geedka la dhoho Darfa`i ee baadiyaha ka baxa, ka dibna wuu u keenay, wayna u sii dhiibtay Nabiga scw , markaas ayaa Nabigu amray in la dhigo halkaan, ka dibna waxaan arkay Nabiga scw oo fuushan oo takbiirsaday isagoo fuula, oo rukuucay isagoo fuula, ka dibna gadaalgadaal uga soo dagay, oo mimbarka salkiisa ku sujuuday oo hadana ku noqday, markuu dhamaystay ayuu dadka ku soo jeensday oo ku yiri: " dadow, waxaan sidaan u sameeyey inaad igu dayataan oo barataan salaadayda".

Xadiis Saxiix ah. - Xadiis la isku waafaqay

Sharaxaad

Rag ayaa u yimid mid ka mida Asaxaabta, iyagoo waydiinaya minbarkii Rasuulku scw uu samaystay waxa laga sameeyey? wayna ku murmeen oo ku doodeen arinkaa, wuxuuna u sheegay: in Rasuulku scw qof u diray gabar Ansaar ah, taasoo wiil khaadim ah oo najaar ah lahayd, wuxuuna Suubbanuhu faray gabadhaa inay wiilka amarto inuu u soo sameeyo minbar uu ku fadhiisto markuu dadka la hadlaayo, wayna aqbashay gabadhii, wiilkiina waxay fartay inuu Nabiga scw uga soo sameeyo geedka durafa`a, markuu dhameeyey gabadhii waxay u dirtay Nabiga scw, Nabiguna scw wuu amray in la dhigo meesha uu masjidka ka yaalo, ka dib Nabigu scw wuu ku tukaday wuuna takbiirsaday isagoo fuula, wuuna rukuucay isagoo fuula, ka dibna waa ka soo dagay isagoo gadaal u socda oo aan wajigiisa xaga danbe u jeedinayn wuxuun ku sujuuday minbarka salkiisa ka dibna waa ku noqday, markii uu dhamaystay salaadii ayuu dadka ku soo jeensaday oo ku yiri: waxaan sidaan u sameeyey inaad igu dayataan oo barataan salaadayda.

Tarjamada: Ingriisi Urduu Indooniisi Luqadda iigoorka Luqadda bengaaliga Luqadda turkiga. Luqadda Sanhaaliga Luqadda hindida Luqadda fiitnaam Luqadda hawsaha Luqadda Malayalam Luqadda talgu Luqadda sawaaxiliga Luqadda boomiyaanka Luqadda taylandiga Luqadda bushtuuga Luqadda asaamii Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda hoolandiga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Luqadda yuruuba Luqadda Liitawaaniga Luqadda dariya Luqadda serbiga
Bandhigga tarjamada.

Faa,iidooyinka xaddiiska laga faa,iidaysanayo waxaa kamid ah.

  1. waa suno in la samaysto minbar oo khadiibkuna fuulo, faa'iidadiisuna waa gaadhsiin iyo maqashiinta.
  2. Way banaan tahay in lagu tukado minbarka si loo baro dadka salaada, waxaa kaloo banaan in imaamku qof ma'amuumka ah ka sareeyo, marka loo baahdo.
  3. Waa wax banaan in loo kaashado dadka farsama yaqaanka ah wax yaabaha muslimiintu u baahan yihiin.
  4. Wuu banaan yahay dhaq-dhaqaaqa yar salaada dhexdeeda hadii loo baahdo.
  5. Way banaan tahay in ma'amuumku eego salaada dhexdeeda imaamkiisa, si uu uga barto imaamka, taasina khushuuca ma diidayso.