عن حُذَيْفَةَ رضي الله عنه:
أَنَّ النَّبِيَّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ كَانَ يَقُولُ بَيْنَ السَّجْدَتَيْنِ: «رَبِّ اغْفِرْ لِي، رَبِّ اغْفِرْ لِي».

[صحيح] - [رواه أبو داود والنسائي وابن ماجه وأحمد] - [سنن ابن ماجه: 897]
المزيــد ...

Xudayfa Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey:
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee inuu dhihi jiray labada Sujuudood dhexdooda:"Rabiyow ii dambi dhaaf, Rabiyow ii dambi dhaaf ".

[Xadiis Saxiix ah] - [waxaa wariyey Abuu daawuud,nasaa.i,ibn maajah,Axmad] - [Sunan Ibnu Maajah - 897]

Sharraxa

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu dhihi jiray markuu fariisto labada Sujuudood dhexdooda: Rabiyow ii dambi dhaaf, Rabiyow ii dambi dhaaf" wuuna ku cel-celin jiray.
Macnaha ii dambi dhaaf: waa baryada Adoonku uu kaga baryayo Rabigii inuu ka masaxo oo ka dhaafo dambiyadiisa kana asturo ceebihiisana.

Faa`iidooyinka Xaddiiska

  1. Waa Sharci in la akhristo ducadan labada Sujuudood dhexdooda, Salaadaha faralka ah iyo kuwa Sunahaba.
  2. Waa Suno in lagu celceliyo: Rabiyow ii dambi dhaaf, inta waajibka ahina waa hal mar.
Bandhigga Tarjamooyinka
Luuqadda: الإنجليزية الأوردية الإسبانية Siyaadin (61)