+ -

عَنْ ‌وَرَّادٍ كَاتِبِ الْمُغِيرَةِ بْنِ شُعْبَةَ قَالَ: أَمْلَى عَلَيَّ الْمُغِيرَةُ بْنُ شُعْبَةَ فِي كِتَابٍ إِلَى مُعَاوِيَةَ:
أَنَّ النَّبِيَّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ كَانَ يَقُولُ فِي دُبُرِ كُلِّ صَلَاةٍ مَكْتُوبَةٍ: «لَا إِلَهَ إِلَّا اللهُ وَحْدَهُ لَا شَرِيكَ لَهُ، لَهُ الْمُلْكُ وَلَهُ الْحَمْدُ، وَهُوَ عَلَى كُلِّ شَيْءٍ قَدِيرٌ، اللَّهُمَّ لَا مَانِعَ لِمَا أَعْطَيْتَ، وَلَا مُعْطِيَ لِمَا مَنَعْتَ، وَلَا يَنْفَعُ ذَا الْجَدِّ مِنْكَ الْجَدُّ».

[صحيح] - [متفق عليه]
المزيــد ...

Waraad oo ahaa qoraagii Muqiira Binu Shucba Allaha ka raali ahaade wuxuu yiri: Muqiira Binu Shucba ayaa ii yeeriyey qoraal uu u diraayey mucaawiye:
Inuu Nabigu scw dhihi jiray salaad kasta oo faral ah gadaasheeda: majiro mid xaq lagu caabudo oo aan Allah ahayn, waana kaligii oo malaha wax la wadaaga Ilaahnimadiisa iyo cibaadadiisaba, Isagay u sugnaatay mulki oo dhan iyo mahad oo dhan, Isagaana wax walba awooda, Allahayow majirto cid diidi karta wax aad bixinaysid, mana jirto cid bixin karta wax aad diido, mid awood lihina awoodiisu xagaaga wax uga tarto".

Xadiis Saxiix ah. - Xadiis la isku waafaqay

Sharaxaad

Nabigu scw wuxuu oran jiray salaad kasta oo faral ah gadaasheeda: majiro mid xaq lagu caabudo oo aan Allah ahayn, waana kaligii oo malaha wax la wadaaga Ilaahnimadiisa iyo cibaadadiisaba, Isagay u sugnaatay mulki oo dhan iyo mahad oo dhan, Isagaana wax walba awooda, Allahayow majiro cid diidi karta wax aad bixinaysid, mana jirto cid bixin karta wax aad diiddo, mid awood lihina awoodiisu xagaaga cid wax ugama tarto ".
Waxaan qirayaa oo aqoonsanahay, kalimada tawxiidka, ee: laa ilaaha Ilaa Allah, cibaadada xaqa ah waxaan u qirayaa Allah oo kaliya, waana u diidayaa waxa Ilaahay kasoo hara oo dhan, mana jiro Ilaah xaq lagu caabudo oo Allah ahayn, waxaa kaloo qirsanahay mulkiga runta ah ee taamka ahi inuu Ilaahay leeyahay, dhamaan mahada kuwa ku sugan samooyinka iyo kuwa sugan dhulkuba inay Ilaahay u sugan tahay, waayo Isagaa ah Allaha wax walba awooda ah, waxa uu qadaro bixintiisa ee deeqihiisa ah, ama uu diido wax ka hor iman karaa majiro, mid qani ihi qanimadiisa xaga Ilaahay cidna wax ugama tarayo, waxaa wax taraya waa camalka saalixa ah oo kaliya.

Tarjamada: Ingriisi Urduu Indooniisi Luqadda iigoorka Luqadda bengaaliga Luqadda turkiga. Luqadda Sanhaaliga Luqadda hindida Luqadda fiitnaam Luqadda hawsaha Luqadda talgu Luqadda sawaaxiliga Luqadda boomiyaanka Luqadda taylandiga Luqadda bushtuuga Luqadda asaamii Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda hoolandiga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Luqadda yuruuba Luqadda Liitawaaniga Luqadda dariya
Bandhigga tarjamada.

Faa,iidooyinka xaddiiska laga faa,iidaysanayo waxaa kamid ah.

  1. Waa suno in la akhristo adkaartaa salaadaha gadaashooda, waxa ku jira darteed ee ah erayada tawxiidka iyo mahad celinta Ilaahay.
  2. Waa in loo degdego gudashada sunaha Nabiga scw iyo in la faafiyo sunaha Nabiga scw.