+ -

عَنْ كَعْبِ بْنِ عُجْرَةَ رضي الله عنه عَنْ رَسُولِ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ:
«مُعَقِّبَاتٌ لَا يَخِيبُ قَائِلُهُنَّ -أَوْ فَاعِلُهُنَّ- دُبُرَ كُلِّ صَلَاةٍ مَكْتُوبَةٍ، ثَلَاثٌ وَثَلَاثُونَ تَسْبِيحَةً، وَثَلَاثٌ وَثَلَاثُونَ تَحْمِيدَةً، وَأَرْبَعٌ وَثَلَاثُونَ تَكْبِيرَةً».

[صحيح] - [رواه مسلم]
المزيــد ...

Kacab Binu Cujra-Allaha ka raali ahaadee- wuxuu ka wariyey Rasuulka -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- inuu yiri:
"Kuwa mucaqibaatka ah ee aanu khasaarin qofka akhristaa - ama ku camal falaa- salaad walba oo waajib ah gadaasheeda, saddex iyo sodon tasbiix, saddex iyo sodon taxmiid iyo afar iyo sodon takbiir".

Xadiis Saxiix ah. - Waxa wariyay Muslim.

Sharaxaad

Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu sheegay adkaar aanu khasaarayn oo uusan ka qoomamayn qofka akhrista, balse uu ka halayo kalimadkaa ajar, oo qaarba qaar ka daba imaanayo, waxaana la akhristaa salaadaha faralka ah gadaashooda, waana sidan:
''subxaana Allaah'' 33 jeer, macnaheeduna waa Ilaahay ayaa ka nasahan oo ka reeban nusqaan walba.
''Alxamdu lillaah'' 33 jeer, macnaheedu waa Ilaahay wuxuu ku tilmaaman yahay kaamilnimo taam ah, iyadoo ay la jirto jeclaantiisa iyo waynayntiisu.
''Allaahu akbar''34 jeer, macnaheedu waa Ilaahay baa ka wayn oo ka cisi iyo sharaf badan wax walba.

Tarjamada: Ingriisi Urduu Luqadda isbaanishka Indooniisi Luqadda iigoorka Luqadda bengaaliga Faransiis Luqadda turkiga. Ruush Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda hindida Luqadda shiinaha Luqadda faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda tajaluga Luqadda kurdiga Luqadda hawsaha Luqadda boorta qiiska Luqadda sawaaxiliga Luqadda bushtuuga Luqadda asaamii Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda yuruuba Luqadda dariya
Bandhigga tarjamada.

Faa,iidooyinka xaddiiska laga faa,iidaysanayo waxaa kamid ah.

  1. Tasbiixda iyo taxmiida iyo takbiirtu fadli ayey leeyihiin, waana la dhahaa Albaaqiyaat Alsaalixaat.