+ -

عَن أَبي مُوْسى الأَشْعريِّ رضي الله عنه قال: قال رسولُ اللهِ صلى اللهُ عليه وسلم:
«مَثَلُ الْمُؤْمِنِ الَّذِي يَقْرَأُ الْقُرْآنَ كَمَثَلِ الْأُتْرُجَّةِ، رِيحُهَا طَيِّبٌ وَطَعْمُهَا طَيِّبٌ، وَمَثَلُ الْمُؤْمِنِ الَّذِي لَا يَقْرَأُ الْقُرْآنَ كَمَثَلِ التَّمْرَةِ، لَا رِيحَ لَهَا وَطَعْمُهَا حُلْوٌ، وَمَثَلُ الْمُنَافِقِ الَّذِي يَقْرَأُ الْقُرْآنَ مَثَلُ الرَّيْحَانَةِ، رِيحُهَا طَيِّبٌ وَطَعْمُهَا مُرٌّ، وَمَثَلُ الْمُنَافِقِ الَّذِي لَا يَقْرَأُ الْقُرْآنَ كَمَثَلِ الْحَنْظَلَةِ، لَيْسَ لَهَا رِيحٌ وَطَعْمُهَا مُرٌّ».

[صحيح] - [متفق عليه]
المزيــد ...

Abii Muuse Al-ashcari-Allaha ka raali ahaadee- wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahay- naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu yiri:
" Mu'uminka Qur'aanka akhriya wuxuu la mid yahay miraha ''Utrujada'', carafteedu waa udgoon dhadhankeeduna waa fiican yahay, Mu'uminka aan Qur'aanka akhriyeyna wuxuu la mid yahay timirta, caraf malaha dhadhankeeduna waa macaan, munaafiqa Qur'aanka akhrinayana wuxuu la mid yahay geedka reexaanta, caraftiisu waa udgoon dhadhankiisuna waa qaraar, munaafiqa aan Qur'aanka akhriyeyna wuxuu la mid yahay geedka xandalada, caraf maleh dhadhankiisuna waa qaraar."

Xadiis Saxiix ah. - Xadiis la isku waafaqay

Sharaxaad

Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu cadeeyey nuucyada dadku ugu kala qaybsamaan akhrinta Qur'aanka iyo siday ugu intifaacayaan:
qaybta 1aad: waa mu'umin Qur'aanka akhriya oo ku intifaacaya wuxuu la mid yahay miraha Utrujada la dhoho, waa geed dhadhan fiican oo udgoon oo midab qurxoon, wax tarkiisuna badan yahay, oo qofkaasi wuu ku camal falaa wuxuu akhrinaayo, adoomada Ilaahayna wax buu taraa.
Qaybta 2aad: waa mu'umin aan qur'aanka akhrin, wuxuu la mid yahay timirta dhadhankeedu waa macaan urna maleh, qalbigiisa waxaa ku sugan iimaan sida timirta dhadhankeeda iyo gudaheedaba ugu sugan yahay macaanku, ee aanay u lahayn wax ur ah oo kasoo baxaya oo dadku soo uriyo; waayo malaha qofkaasi wax akhris ah oo dadku ku raaxaystaan dhagaysigiisa.
Qaybta 3aad: waa munaafiq Qur'aanka akhriya, waa sida geedka reexaanta, caraf udgoon buu leeyahay dhadhankiisuna waa qaraar, waayo qalbigiisu uma suuban iimaanka, Qur'aankana kuma uusan camal falin, dadka hortiisana wuxuu isku ekaysiiyey mu'umin, carafta geedkaasi wuxuu uga eg yahay akhrintiisa Qur'aanka, dhadhankiisa qaraarna wuxuu shabahaa gaalnimadiisa.
qaybta 4aad: waa munaafiqa aan Qur'aanka akhrin, isna waa sida geedka xandalada, malaha caraf, dhadhankiisuna waa qaraar, caraf la'aanta wuxuu ka shabahaa akhris la'aantiisa, qaraarkana wuxuu ka shabahaa qaraarka gaalnimadiisa, waayo uurkiisa iimaanku waa ka maran yahay, oogadiisana nafac u malaha, balse wuu dhibayaa.

Tarjamada: Ingriisi Urduu Luqadda isbaanishka Indooniisi Luqadda iigoorka Faransiis Luqadda turkiga. Ruush Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda hindida Luqadda shiinaha Luqadda faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda kurdiga Luqadda hawsaha Luqadda boorta qiiska Luqadda sawaaxiliga Luqadda bushtuuga Luqadda asaamii Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda yuruuba Luqadda dariya
Bandhigga tarjamada.

Faa,iidooyinka xaddiiska laga faa,iidaysanayo waxaa kamid ah.

  1. xaddiiska waxaa ku jira cadayn fadliga uu leeyahay qofka Qur'aanka xafidsan ee ku camal fala.
  2. Qaabka dadka wax lagu baro waxaa ka mid ah tusaalaha, si loogu soo dhaweeyo fahanka.
  3. waxaa ku haboon muslimku inuu leeyahay wardi Qur'aan ah oo uu joogteeyo.