عن عبد الله بن عمرو رضي الله عنهما قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم:
«يقالُ لصاحبِ القرآن: اقرَأ وارتَقِ، ورتِّل كما كُنْتَ ترتِّل في الدُنيا، فإن منزِلَكَ عندَ آخرِ آية تقرؤها».
[حسن] - [رواه أبو داود والترمذي والنسائي في الكبرى وأحمد] - [سنن أبي داود: 1464]
المزيــد ...
Cabdullaahi Binu Camar Binu caas Allaha ka raali ahaado isagiyo ِAabihiye waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri:
"Qofka Ahlu Qur'aanka ah waxaa lagu oran: akhri oo kor u soco, oo ku Luuqee sidaad ugu Luuqayn jirtey Aduunka, Gurigaagu waa halka Aayada ugu dambaysa aad ku akhrido).
[Xadiis Xasan ah] - [waxaa wariyey Abuu daawuud,tirmidi,nasaa.i oo kawayn kuwariyey iyo Axmad] - [Sunan Abii Daa'uud - 1464]
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in lagu oran doono Qofka Qur'aanka akhriya, kuna camal fala, ee laasima akhrintiisa iyo xifdintiisa markuu Janada gelayo: Qur'aanka akhri oo kor ugu soco darajooyinka Janada, kuna Luuqee sidaad ugu Luuqayn Jirtay akhrintiisa Aduunka, u akhri si dagan oo xasilooni leh, Gurigaagu waa halka ay kaaga dhamaato Aayada ugu dambaysa akhriskeedu.