عَنْ ‌أَبِي هُرَيْرَةَ رضي الله عنه قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ:
«أَيُحِبُّ أَحَدُكُمْ إِذَا رَجَعَ إِلَى أَهْلِهِ أَنْ يَجِدَ فِيهِ ثَلَاثَ خَلِفَاتٍ عِظَامٍ سِمَانٍ؟» قُلْنَا: نَعَمْ. قَالَ: «فَثَلَاثُ آيَاتٍ يَقْرَأُ بِهِنَّ أَحَدُكُمْ فِي صَلَاتِهِ خَيْرٌ لَهُ مِنْ ثَلَاثِ خَلِفَاتٍ عِظَامٍ سِمَانٍ».

[صحيح] - [رواه مسلم] - [صحيح مسلم: 802]
المزيــد ...

Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri:
"Ma jecel yahay in qof idinka mida haduu u soo laabto reerkiisa uu ka halo saddex halaad oo waawayn oo buur buuran?" waxaan niri: haa. wuxuu yiri: (Seddex Aayadood oo midkiin ku akhriyo Salaada ayaa uga kheyr badan seddex halaad oo waaweyn oo buur buuran).

[Xadiis Saxiix ah] - [Waxa wariyay Muslim] - [Saxiix Muslim - 802]

Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey in Salaada oo lagu akhriyo seddex Aayadood ajarkeedu ka kheyr badan yahay in Qofku Gurigiisa ka helo seddex halaad oo riman oo waaweyn oo buur buuran.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Waxaa la cadeeyey fadliga uu leeyahay in Quraanka lagu akhriyo Salaada.
  2. Camalka saalixa ahi ka kheyr badan oo ka caaqibo fiican xoolo lagu helo Aduunkaan dhamaanaya.
  3. Fadligaasi kuma koobna oo keliya akhrinta seddex Aayadood, mar walboo Qofka tukanayaa Salaadiisa ku kordhiyo akhrinta Aayadaha khayrka iyo ajarka uu ka helaayo way ka kheyr badan tahay tiradooda geel le`eg.
Bandhigga tarjumada.
Tarjumada: Engriisi Urduu Isbaanish dheeraad/kordhin (66)