عن عُقبة بن عامر الجُهني رضي الله عنه قال: قال رسولُ الله صلَّى الله عليه وسلم:
«الجاهِرُ بالقرآن كالجاهِرِ بالصَّدَقَةِ، والمُسِرُّ بالقرآن كالمُسِرِّ بالصَّدَقَة».

[صحيح] - [رواه أبو داود والترمذي والنسائي] - [سنن أبي داود: 1333]
المزيــد ...

Cuqba Binu Caamir Aljuhani Allaha ka raali noqde waxaa laga wariyey nuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri:
"qofka Qur'aanka kor u akhriya wuxuu la mid yahay Qofka Sadaqada muujiya, Qofka Quraanka siraystan wuxuu la mid yahay Qofka Sadaqada siraystay".

[Xadiis Saxiix ah] - [waxaa wariyey Abuu daawuud,tirmidi, iyo nasaa.i] - [Sunan Abii Daa'uud - 1333]

Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay Qofka muujiya Qur'aanka akhrintiisa inuu la mid yahay Qofka muujiya Sadaqada bixinteeda, Qofka akhrinta Qur'aanka qarsadana uu la mid yahay Qofka Sadaqada bixinteeda qarsada.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Qur'aanka akhrintiisa in la qariyo ayaa fadli badan, sida qarinta Sadaqaduba ay u fadli badan tahay, waayo waxaa ku jira ikhlaas iyo iyado laga fogaado istustus iyo is cajabin, inay dan iyo maslaxadi keento muujintiisa mooye, sida barida Qur'aanka.
Bandhigga tarjumada.
Tarjumada: Engriisi Urduu Isbaanish dheeraad/kordhin (65)