+ -

عن ابن عباس رضي الله عنهما قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم:
«ما مِنْ أيَّامٍ العمَلُ الصَّالِحُ فيها أحبُّ إلى اللهِ مِن هذه الأيام» يعني أيامَ العشر، قالوا: يا رسُولَ الله، ولا الجهادُ في سبيلِ الله؟ قال: «ولا الجهادُ في سبيلِ الله، إلا رجلٌ خَرَجَ بنفسِه ومالِه فلم يَرْجِعْ من ذلك بشيءٍ».

[صحيح] - [رواه البخاري وأبو داود، واللفظ له] - [سنن أبي داود: 2438]
المزيــد ...

Ibnu Cabaas Allaha ka raali ahaado isagiyo ِAbihiye waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri:
"Majiraan Maalmo camalka saalixa ah Ilaahay ka jecel yahay Maalmahan" waxaa loo jeedaa Maalaha tobanka hore ee Bisha Dul-xija, waxay dheheen: Rasuulka Ilaahayow, ma xataa Jihaadka Diinta Ilaahay loo Jihaadayo? wuxuu yiri: xataa Jihaadka, inuu yahay mooyee nin u baxay Jihaad oo Naftiisii iyo Maalkiisiiba ku bixiyey oo aan waxba ka soo noqon".

[Xadiis Saxiix ah] - [waxaa wariyey bukhaari,Abuu daawuud,lafdiganna isagaa kuwariyey] - [Sunan Abii Daa'uud - 2438]

Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey in tobanka Maalmood ee Bisha Dil-xija ugu horeeya camalka saalixa ah ee la qabto uu ka fadli badan yahay camalka Maalmaha Sanadka intiisa kale.
Asxaabtu Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee waxay waydiiyeen Jihaadka aan ahayn Maalmahan tobanka ah ma isagaa fadli badan mise camalka saalixa ah ee Maalmaha tobanka Bisha Dil-xija laqabto? waxa ay ogaayeen inuu Jihaadku camalka u fadliga badan yahay.
Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ugu jawaabay in camalka saalixa ee Maalmaha tobanka Dil-xija laqabto ka fadli badan yahay Jihaadka oo la Jihaado waqti aan tobankan dhexdeeda ahayn, ilaa nin u baxay Jihaad oo u huray Naftiisa iyo Maalkiisa waqti Jihaad jiray, sidaana ku waayey Naftiisiii iyo Maalkiisiiba. Waa kaas kan ka fadliga badan camalka saalixa ah ee Maalmaha tobanka ah.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Fadliga tobanka Maalmood ee Bisha Dil-xija waa mid aad u wayn, sidaa darteed waxaa la gudboon Qofka Muslimka ah inuu ka faa'iidaysto Maalmahaa, oo uu badsado gudashada amarka Ilaahay, sida xuska Ilaahay, akhrinta Qur'aanka, Takbiirta "Allaahu akbar", Tahliish "laa ilaaha illa-llaah", Taxmiida "Alxamdu lilaah", Salaada, Sadaqada, Soonka ,iyo dhamaan camalka wanaagsan.
Tarjumada: Engriisi Urduu Isbaanish Indunuusi Luqadda iigoorka Luqadda Bengaaliga Faransiis Luqadda Turkiga. Ruush Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda Hindida Luqadda Shiinaha Luqadda Faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda Tajaluga Kurdiga Hawsaha Boortaqiis Malayaalim Telgoo Sawaaxili Taymaali Boorma Jarmal Japan Luqadda bushtuuga Asaami Albaani Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda hoolandiga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Yorba Luqadda Liitawaaniga Luqadda dariya Luqadda serbiga Luqadda daajiika Ruwanda Luqadda roomaaniya Luqadda hangeriga Luqadda jeegga الموري Malgaashi Luqadda kinaadiga الولوف البلغارية Adrabijaan Luqadda yukreyn الجورجية المقدونية
Bandhigga tarjumada.
dheeraad/kordhin