عن عبد الله بن مسعود رضي الله عنه قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم:
«مَنْ قَرَأَ حَرْفًا مِنْ كِتَابِ اللهِ فَلَهُ بِهِ حَسَنَةٌ، وَالْحَسَنَةُ بِعَشْرِ أَمْثَالِهَا، لَا أَقُولُ {الم} حَرْفٌ، وَلَكِنْ {أَلِفٌ} حَرْفٌ، وَ{لَامٌ} حَرْفٌ، وَ{مِيمٌ} حَرْفٌ».

[حسن] - [رواه الترمذي] - [سنن الترمذي: 2910]
المزيــد ...

Cabdullaahi Binu Mascuud Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri:
"Qofka akhriya Xaraf ka mid ah Kitaabka Ilaahay wuxuu ka halayaa hal xasano, halka xasano waxay u dhigantaa toban laabkeed, ma oranaayo {Alif Laam Miim} waa Xaraf, laakiin Alifku waa Xaraf, oo laamku waa Xaraf, oo Miimku waa Xaraf".

[Xadiis Xasan ah] - [Waxaa wariyay At-tirmidi] - [Sunan At-tirmidi - 2910]

Sharraxaad

Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay Qof kastoo Muslim ah oo akhriya Xaraf kitaabka Ilaahay ka mid ah, inuu ka helaayo hal xasano, kaasoo ajarka loo laalaabayo toban laabkeed.
Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ku cadeeyey hadalkiisaa isagoo dhahay: (ma dhahayo Alif Laam Miim) waa Xaraf, laakiin Alifku waa Xaraf, Laamku waa Xaraf, Miimkuna waa Xaraf): waxay ahaanaysaa sdddex Xaraf oo soddon xasano laga helayo.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Waxaa laysku boorinayaa in la badiyo akhrinta Qur'aanka.
  2. Qofka akhrinaya Quraanka wuxuu ka helayaa Xaraf kastoo ee ku jira kalimad walba ee uu akhriyo hal xasano taasoo loo laalaabayo toban laabkeed.
  3. Waa Ilaahay Raxmadiisa waasac nimadeeda iyo deeqdiisa, waayo wuxuu u laban laabay Adoomadiisa ajarka, waana fadligiisa, iyo deeqsinimadiisa.
  4. Qur'aanku wuu ka fadli badan yahay wixii qayrkiisa ee hadal ah, akhrintiisaana Ilaahay ayaa lagu caabudaa, waayo waa hadalkii Ilaahay sareeye.
Bandhigga tarjumada.
Tarjumada: Engriisi Urduu Isbaanish dheeraad/kordhin (62)