+ -

عن أبي مسعود رضي الله عنه قال: قال النبي صلى الله عليه وسلم:
«مَنْ قَرَأَ بِالْآيَتَيْنِ مِنْ آخِرِ سُورَةِ الْبَقَرَةِ فِي لَيْلَةٍ كَفَتَاهُ».

[صحيح] - [متفق عليه] - [صحيح البخاري: 5009]
المزيــد ...

Abii Mascuud-Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Nabigu scw wuxuu yiri:
(Qofka akhriya labada aayadood ee suuradda Al-baqara u dambeeya habeenka way ku filan yihiin).

[Xadiis Saxiix ah] - [Xadiis la isku waafaqay] - [Saxiix AlBukhaari - 5009]

Sharraxaad

Nabigu scw wuxuu sheegay in qofka akhriya labada aayadood ee u dambeeya suuradda Al-baqara habeenkii Ilaahay wuuka kaafiyaa sharka iyo dhibaatada, waxaa kaloo la yiri: way ka kaafidaa salaatul-laylka, waxaa kaloo la yiri: waxay ka kaafidaa adkaarta kale, waxaa kaloo la yiri: waa waxa ugu yar ee ay kaga gudmayso akhrinta Qur'aanka ee salaatul-laylka, siyaabo kalana waa lagu fasiray, waxaa dhici kara inuu sax yahay dhamaan waxaa lagu fasiray oo dhan oo ay erayga soo wada galaan.

Tarjumada: Engriisi Urduu Isbaanish Indunuusi Luqadda iigoorka Luqadda Bengaaliga Faransiis Luqadda Turkiga. Ruush Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda Hindida Luqadda Shiinaha Luqadda Faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda Tajaluga Kurdiga Hawsaha Boortaqiis Malayaalim Telgoo Sawaaxili Taymaali Boorma Taylaand Jarmal Japan Luqadda bushtuuga Asaami Albaani Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda hoolandiga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Yorba Luqadda Liitawaaniga Luqadda dariya Luqadda serbiga Luqadda daajiika Ruwanda Luqadda roomaaniya Luqadda hangeriga Luqadda jeegga الموري Malgaashi Talyaani Oromo Luqadda kinaadiga الولوف البلغارية Adrabijaan Luqadda yukreyn الجورجية
Bandhigga tarjumada.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Waxaa cad fadliga wayn ee ku jira dhamaadka suuratul baqara, waana hadalkii ilaahay yiri: (آمن الرسول) ilaa dhammaadka suuradda.
  2. Dhamaadka suuradda Al-baqara wuxuu ka difaacaa qofka dhibka, sharka, shaydaanka, haduu akhriyo habeenkii.
  3. Habeenku wuxuu ka bilawdaa dhicida qoraxda, wuxuuna ku dhamaadaa soo bixitaanka fajarka.