عن ثَوْبَانَ رضي الله عنه قال:
كَانَ رَسُولُ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ إِذَا انْصَرَفَ مِنْ صَلَاتِهِ اسْتَغْفَرَ ثَلَاثًا، وَقَالَ: «اللَّهُمَّ أَنْتَ السَّلَامُ، وَمِنْكَ السَّلَامُ، تَبَارَكْتَ ذَا الْجَلَالِ وَالْإِكْرَامِ»، قَالَ الْوَلِيدُ: فَقُلْتُ لِلْأَوْزَاعِيِّ: كَيْفَ الْاسْتِغْفَارُ؟ قَالَ: تَقُولُ: أَسْتَغْفِرُ اللهَ، أَسْتَغْفِرُ اللهَ.
[صحيح] - [رواه مسلم] - [صحيح مسلم: 591]
المزيــد ...
Thawbaan Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri:
Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ahaa markuu Salaada ka baxo seddex jeer buu istiqfaarsan jiray, wuxuuna yiri: " Allahayow adaa Salaam ah, oo Salaantu kaa timid, waad kor ahaatay, yaa Dal Jalaali wal ikraam. Waliid wuxuu yiri: waxaan ku iri Aw Saaci: qaabkay ahayd istiqfaartu? wuxuu yiri: Astaqfirullaah, Astaqfirullaah.
[Xadiis Saxiix ah] - [Waxa wariyay Muslim] - [Saxiix Muslim - 591]
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu dhihi jiray markuu Salaada ka baxo: Astqfirullaah, Astaqfirullaah, Astaqfirullaah.
Ka dibna Rabigii ayuu waynaynaayey, wuxuuna oran jiray: Allahayow adigaa Salaam ah, oo Salaantu kaa timid, waad kor ahaatay, Yaa Dal Jalaal wal Ikraam, Ilaahay waa Saalim oo sifaadkiisu waa kaamil, wuu ka nasahan yahay ceeb iyo nusqaan, isaga ayaa laga dalbaa inuu kaa nabad geliyo sharta Aduun iyo tan Aakhiro cid kale lagama dalbo, Ilaahay khayrkiisu waa badan yahay labada Daaroodba, Ilaahay waa kan u saaxibka ah waynaan iyo ixsaan.