+ -

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُ قَالَ:
كَانَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ يَدْعُو وَيَقُولُ: «اللَّهُمَّ إِنِّي أَعُوذُ بِكَ مِنْ عَذَابِ القَبْرِ، وَمِنْ عَذَابِ النَّارِ، وَمِنْ فِتْنَةِ المَحْيَا وَالمَمَاتِ، وَمِنْ فِتْنَةِ المَسِيحِ الدَّجَّالِ». وفِي لَفْظٍ لِمُسْلِمٍ: «إِذَا فَرَغَ أَحَدُكُمْ مِنَ التَّشَهُّدِ الْآخِرِ، فَلْيَتَعَوَّذْ بِاللهِ مِنْ أَرْبَعٍ: مِنْ عَذَابِ جَهَنَّمَ، وَمِنْ عَذَابِ الْقَبْرِ، وَمِنْ فِتْنَةِ الْمَحْيَا وَالْمَمَاتِ، وَمِنْ شَرِّ الْمَسِيحِ الدَّجَّالِ».

[صحيح] - [متفق عليه]
المزيــد ...

Abii Hurayra-Allaha ka raali ahaadee- wuxuu yiri:
Wuxuu ahaa Rasuulka Ilaahay-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- mid ku ducaysta oo dhaha: "Allahayow waxaan kaa magan galayaa cadaabta qabriga, iyo cadaabta naarta, fitnada nolosha iyo dhimashada, iyo fitnada masiixu dajaal." hadalkale oo muslim leeyahay wuxuu ahaa: "markuu midkiin dhamaysto ataxiyaadka u dambeeya, Ilaahay ha ka magan galo afar: cadaabta jahanama, cadaabta qabriga, fitnada nolosha iyo dhimashada, iyo sharka masiixu dajaal."

Xadiis Saxiix ah. - Xadiis la isku waafaqay

Sharaxaad

Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu ahaa mid Ilaahay ka magan gala afar, ataxiyaadka u dambeeya ka dib, iyo salaama naqsiga ka hor, wuxuuna nafaray inaan Ilaahay ka magan galno afartaa,
Tan 1aad: cadaabta qabriga.
Tan 2aad: cadaabta naarta ee maalinta qiyaamaha.
Tan 3aad: fitnada nolosha, ee ah shahawaatka aduunyada ee xaaraanta ah iyo shubuhaadka lagu lumo iyo fitnada dhimashada, waa marka sakaraadku jiro, oo islaamnimada ama sunada uu ka leexdo, fitnada qabriga sida su'aasha labada malag.
Tan 4aad: fitnada masiixu dajaal ka soo bixidoona aakhiru samaanka, Ilaahayna adoomadiisa ku imtixaamayo, wuxuuna sigaar ah ugu xusay fitmadiisa oo aad u wayn iyo dadka oo uu baadiyeynaayo.

Tarjamada: Ingriisi Urduu Luqadda isbaanishka Indooniisi Luqadda iigoorka Luqadda bengaaliga Faransiis Luqadda turkiga. Ruush Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda hindida Luqadda shiinaha Luqadda faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda tajaluga Luqadda kurdiga Luqadda hawsaha Luqadda boorta qiiska Luqadda talgu Luqadda sawaaxiliga Luqadda taylandiga Luqadda bushtuuga Luqadda asaamii Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Luqadda yuruuba Luqadda dariya
Bandhigga tarjamada.

Faa,iidooyinka xaddiiska laga faa,iidaysanayo waxaa kamid ah.

  1. Magan galkaani waa waxa ugu muhimsan ducada wax badana soo hoos galayaan, waayo waxaa soo galaya in laga magan galo sharka Aduunka iyo Aakhiraba.
  2. Waa sugan yahay cadaabul qabrigu waana xaq.
  3. Fitantu waa khatar waana muhiim in Ilaahay la kaalmaysto oo lana baryo si looga nabad galo.
  4. Way sugan tahay soo bixida Dajaal fitnadiisuna waa wayn tahay.
  5. waxaa suna ah ducadan in la akhristo ataxiyaadka u dambeeya ka dib.
  6. camalka saalixa ah ka dib ducadu waa suno