+ -

عَنْ ‌أَبِي الزُّبَيْرِ قَالَ:
كَانَ ‌ابْنُ الزُّبَيْرِ يَقُولُ فِي دُبُرِ كُلِّ صَلَاةٍ حِينَ يُسَلِّمُ: «لَا إِلَهَ إِلَّا اللهُ وَحْدَهُ لَا شَرِيكَ لَهُ، لَهُ الْمُلْكُ وَلَهُ الْحَمْدُ وَهُوَ عَلَى كُلِّ شَيْءٍ قَدِيرٌ، لَا حَوْلَ وَلَا قُوَّةَ إِلَّا بِاللهِ، لَا إِلَهَ إِلَّا اللهُ، ‌وَلَا ‌نَعْبُدُ ‌إِلَّا إِيَّاهُ، لَهُ النِّعْمَةُ وَلَهُ الْفَضْلُ وَلَهُ الثَّنَاءُ الْحَسَنُ، لَا إِلَهَ إِلَّا اللهُ مُخْلِصِينَ لَهُ الدِّينَ وَلَوْ كَرِهَ الْكَافِرُونَ» وَقَالَ: «كَانَ رَسُولُ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ يُهَلِّلُ بِهِنَّ دُبُرَ كُلِّ صَلَاةٍ».

[صحيح] - [رواه مسلم]
المزيــد ...

Abii Zubeyr Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri:
Wuxuu ahaa ina Zubeyr mid dhaha salaad kasta gadaasheed marka uu salaama naqsado: (majiro ilaah aan Allaha xaqa ah ee keli ah ahayn, mana jiro wax la wadaaga boqornimadiisa, isagaana leh mahad oo dhan, wax walbana isagaa awooda, xeelad iyo awood aan isaga xaggiisa ahaynna majirto, Ilaahay mooyee ilaah kalana majiro, isaga mooyee cid kalana macaabudayno, nicmada iyo fadliga oo dhanna isagaa iskale, ammaan wanaagsanna isgay u sugnaatay, Ilaahay maahee ilaah kale majiro, isagaan u badhax tiraynaa camalkayaga iyo ummuuraha diinta oo dhan, xataa haddey gaaladu dhibsadaan) wuxuuna dhahay: ( wuxuu ahaa Rasuulka Ilaahay-naxariis iyo nabadi korkiiye-mid dhaha dikrigan salaad kasta dabadeed)a

Xadiis Saxiix ah. - Waxa wariyay Muslim.

Sharaxaad

Rasuulka Ilaahay scw wuxuu ahaa markuu ka boxo salaad kasta oo waajib ah inuu akhriyo dikraan wayn macnihiisuna waa:
(Laa ilaaha ilaa Allaah): majiro mid xaq la caabudo oo aan Ilaahay ahayn.
(Waxdahuu laa shariika lahu) ma jiro cid la wadaagta Ilaah Nimadiisa, Rabbi nimadiisa, magacyadiisa iyo Sifooyinkiisa.
(Lahul-mulku) Ilaahay kaligi ayaa iska leh mulkiga guud ee caamka ah ee shaamilka ah ee waasica ah waa mulkiga samooyinka iyo dhulka iyo inta dhuxaysa.
(Walahul-xamdu) Ilaahay isagaa ku sifoobay kaamilnimo guud oo lagu mahadiyo maxabo kaamila iyo xaalad walba oo la wayneeyo, hadii dhib jiro iyo hadii dheefi jirtoba.
(Wa huwa calaa kulli shay'in qadiir) awooddiisu waa kaamil oo dhinac walba taamka ah wax uusan awoodin ma jiro arin ku adkaanayan ma jiro.
(Laa xawla walaa quwata illaa billaah) ma jirto cid xaalad uga wareegi karta xaalad kale ama xaalad macsi ah uga wareegi karta xaalad cibaado ah, cid awood leh ma jirto in Ilaahay u kaalmeeyo mooyee oo isaga la talo sarto.
(Laa ilaaha Illallaah,walaa nacbudu illaa Iyaahu) waa hadal xoojinaya macnaha ilaah nimada, oo diidaya shirkiga, mana jiro cid cibaadada xaq u leh oo aan Ilaahay ahayn.
(Lahu nicmatu walahul-fadlu) Ilaahay Isagaa abuuray nicmooyinka isagaana leh, wuxuuna ku siiyaa ciduu doono ee adoomadiisa ah.
(Walahu thanaa ul-xusana) amaanta fiican waxaa iska leh Ilaahay daatadiisa, afcaashiisa, nicmooyinkiisa iyo xaalad walba.
(Laa ilaaha illallaah, mukhlisiina lahu ddiin) Ilaahay ayaan kali yeelaynaa cidna istusimayno cidna maqashiin mayno Ilaahay cibaadadiisa.
(Walow kariha al-kaafiruun) waxaan ku sugnaanaynaa tawxiidka Ilaahay iyo cibaadadiisa haba dhibsadaan gaaladuye.

Tarjamada: Ingriisi Urduu Luqadda isbaanishka Indooniisi Luqadda iigoorka Luqadda bengaaliga Faransiis Luqadda turkiga. Ruush Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda hindida Luqadda shiinaha Luqadda faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda tajaluga Luqadda kurdiga Luqadda hawsaha Luqadda boorta qiiska Luqadda Malayalam Luqadda talgu Luqadda sawaaxiliga Luqadda taymelka Luqadda boomiyaanka Luqadda taylandiga Luqadda jarmalka Luqadda jabbaaniiska Luqadda bushtuuga Luqadda asaamii Luqadda Albaaniya Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda hoolandiga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Luqadda yuruuba Luqadda Liitawaaniga Luqadda dariya
Bandhigga tarjamada.

Faa,iidooyinka xaddiiska laga faa,iidaysanayo waxaa kamid ah.

  1. Waa suno in la xafido dikrigaa salaad walba oo waajiba gadaasheed.
  2. Muslimku wuxuu ku faanaa oo ciso ku leeyahay diintiisa iyaduuna muujiyaa cibaadadeeda, xataa haday dhibsadaan gaaladu.
  3. Hadii ay ku soo aroorto xadiiska erayga: "salaadda dabadeed" hadduu xadiisku dikri ka hadlaayo sida asalka ahi waa inuu dikrigaasi salaama naqsiga ka dambeeyaa, haddayse duco tahay waxay ahaanaysaa salaama naqsiga ka hor.