عن ابن عباس رضي الله عنهما:
كان النبي صلى الله عليه وسلم يقول بين السجدتين: «اللَّهمَّ اغْفِرْ لي، وارْحَمْنِي، وعافِني، واهْدِني، وارزقْنِي».
[حسن بشواهده] - [رواه أبو داود والترمذي وابن ماجه وأحمد] - [سنن أبي داود: 850]
المزيــد ...
Ibnu Cabbaas Allah ka raali ahaado isagiyo Aabbihiyee waxaa laga wariyey inuu yiri:
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu oran jirey inta u dhaxaysa labada sujuudood: "Allahayow ii dambi dhaaf, iina naxariiso, oo icaafi ina hanuuni, oo i irsaaq".
[Xadiis Xasan ah marka la eego u Marag kaca kale ee soo arooray] - [Waa wariyay Abuu Daa'uud, At-Tirmidi, Ibnu Maajah, Iyo Axmed] - [Sunan Abii Daa'uud - 850]
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ku ducaysan jiray inta u dhaxaysa labad sujuudood ducooyinkan shanta ah ee Muslimku si weyn ugu baahan yahay iyado ay ku jirto khayrka Aduunyada iyo kan Aakhiraba, sida dambi dhaaf waydiisasho, dambi asturka iyo cafintiisa, raxmad balaaran, in laga caafimaado shubuhaatka, shahawaatka, cudurada iyo bugtada, iyo in Ilaahay la waydiisto ku hanuunida xaqa, iyo ku sug naashihiisa, iyo in Ilaahay ku arsaaqo iimaan, cilmi, camal saalixa, iyo maal xalaal ah oo wanaagsan.